UN: Waxaan aad uga walaacsanahay falalka ka dhanka ah Saxaafada iyo Haweenka Soomaaliya

Friday 15 February 20130 comments




Golaha Amaanka oo ka shiray qorshaha cusub ee Qaramada Midoobay ee ku aadan dalka Soomaaliya

Waxaa xalay kulan looga hadlay Arrimaha Soomaaliya uu ka dhacay xarunta Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay oo matalayey dalka Soomaaliya Raysalwasaare kuxigeenka Soomaaliya ahna Wasiirka Arrimaha dibada Fowsiya Yusuf.

Kalfadhiga Golaha Amaanka ayaa waxaa khudbad dheer kasoo jeediyey kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Dayib Barook Sahnuuni.

Mr.Dayib ayaa goobta ka akhriyey khudbadii uu soo diyaariyey xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki moon oo uu ugu talo galay arrimaha dalka Soomaaliya.

Dayib Sahnuuni ayaa khudbadiisa ku sheegay in Qaramada Midoobay ay si weyn usoo dhaweenayso guulaha muhiimka ah ee laga gaaray arrimaha siyaasada iyo amniga ee wadanka Somaaliya.

isbedalada siyaasadeed iyo amniga u baahan taageero xigmadeysan oo ku aadan Soomaaliya

Wuxuu sheegay in amniga magaalada Muqdisho si weyn isu bedalay kadib markii halkaasi laga saaray kooxda Al Shabaab, walow ay weli jirto khatarta kooxdaasi ee ku aadan dhanka amniga dalka Soomaaliya.

Dayib ayaa ka hadlay kaalinta Qaramada Midoobay ka qaadan karto horumarinta dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in Xafiisyada Qaramada Midoobay loo rari doono dalka Soomaaliya 6da illaa 12ka bilood ee soo socda.

Cunaqabteynta Hubka Soomaaliya

Dayib ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon uu ogsoon yahay ahmiyada ay leedahay dib u dhiska dhanka ciidamada dalka Soomaaliya iyo codsiga ah qaadista cunaqabteynta dalka Soomaaliya.

Balse wuxuu sheegay in arrimahaasi ay ka horeeyaan oo ay muhiim u tahay in la dhiso hay’adaha Garsoorka oo awood leh, isla markaana ay muuqato in si weyn loo xaq dhowrayo Xuquuqul Insaanka.

Tusaale ayuu u soo qaatay Dayib Sahnuuni kuxigeenka Xoghayaha Guud dilalka iyo xariga loo geysto Saxaafada Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale walaac ka muujiyey falalka ka dhanka ah haweenka sida kufsiga ee ka jira dalka Soomaaliya.

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyey talada guddiga u saaran cunaqabteynta habka ee Soomaaliya ee sheegay inay diyaar u yihiin inay soo diyaariyaan habka ugu haboon ee lagu qaadi karo cunaqabteynta.

Ciidamo UN-ah oo Somaliya loo diro

Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa warbixintiisa lagu sheegay in qorshaha lasoo jeediyey ee ah in ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda Qaramada Midoobay loo diro dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in qorshahaasi uusan xiligan ku habooneyn balse dib u eegis lagu sameyn dooo sanadka soo socda ee 2014, maadaama xaalada Soomaaliya ay si aad ah isu badbadaleyso.

Dhinaca kale Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa warbixintiisa ku sheegay in lasii xoojin doono xiriirka wadashaqeyn ee ka dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo ururka Midowga Afrika ee hada hoos yimaadaan ciidamada AMISOM.

Geba gabedadii khudbada Xoghayaha Guud ee uu akhrinayey kuxigeenkiisa Dayib Baruuk Sahnuuni ayaa lagu sheegay in isbedalka dhabta ah iyo horumarka Soomaaliya ay ku xiran tahay shacabka Soomaaliyeed, balse Qaramada Midoobay ay kaalin taageero oo xoogleh ka geysan karto.

Hablaha Media Network  2013



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved