Mayor magaalo, oo taangi dusha ka mariya baabuurta la dhigto Parking qalad ah..Sawiro..

Friday 15 February 20130 comments






Tani waa mid la yaab leh isla markaana qaracan & wadne xanuun ba’an ku haysa dadka gawaarida ku dhex wata magaalada Vilnius ee caasimada wadanka Lithuania waayo duqa magaalada Mr. Arturas Zuokas, ayaa la soo baxay dhaqan lagu tilmaamay waali taasi oo ah in baabuur kasta oo si qalad ah loo dhigo wadooyinka magaalada dusha laga mariyo Taangi ama Beebee. 

Arturas Zuokas oo 43 sano jir ah wuxuu ka qaaday madax xanuun cabashada ku aadan in dadka iska leh gawaarida qurxoon ama kuwa raaxada ay iska dhigtaan meelo qaldan oo ka mid ah wadooyinka, wuxuuna go’aan ku gaarey in uu gacantiisa ku kaxeeyo Taangi oo dusha ka mariyo baabuur kasta oo wadada si qalad ah loo dhigo.

Arturas Zuokas, ayaa lagu dhexarkayaa wadooyinka magaalada isagoo waardiye ka haya, isla markaana ku dhex wata baaskiil wuxuuna marka uu arko baabuur si qalad ah loo dhigay wadada uu soo kaxaysanayaa Taangi ka dibna wuxuu dusha ka marinayaa baabuur kasta oo qalad wadada loo dhigo.

Dhacdadii ugu horeyey ee la yaabka ku noqotey dadka degan caasimada wadanka Lithuania & aduunka ayaa aheyd ka markii duqa magaalada Arturas Zuokas uu soo qaatey taangi ka dibna dusha uu ka mariyey baabuur si qalad ah loo dhigey wadada hareerteeda kaasi oo qofkii iska lahaa uu adeeg ka doontey dukaan ku yaal wadada geeskeeda kale.

Baabuurkaasi oo ahaa Mercedes Bens ayaa laga daawaday Talefishinada aduunka Mayor-ka ama duqa magaalada oo dusha ka marinaya taagni, waxaana halkaasi isku duuduumay gaarigii, daqiiqad



ka dib waxaa banaanka u soo baxay ninkii gaariga iska lahaa oo isku doonayey in uu gaarigiisa kaxaysto hase yeeshee wuxuu ka warhelay baabuurkiisii oo laamiga ku malaasmay oo si xun u burburay.

Ninkii oo yaab iyo fajac uu ka soo harey ayaa waxaa uga sii darey burburka gaariga Mayor-ka ama duqa ayaa inta uu la istaagey salaamay ka dibna wuxuu ku yiri “Waxaan filayaa inaadan dib dambe baabuurkaaga si sharci daro ah aadan ugu Parkimin wadada” ka dibna wuu isaga dhaqaaqay isagoo sii kaxaystey baaskiilkiisa.

Arintaan Video-geeda Ayaan Idiin Soo Wadnaa Dhawaan Adinka Ayaaba Yaab Madaxa La Qabsan Doono E



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved