Sarkaal Irish ah oo Qatar tii ugu darneyd ka muujiyay tababar ciidamada Soomaaliya loogu sameeyo gudaha dalka.

Thursday 14 February 20130 comments




Sarkaalkaan oo madax ka ah saraakiisha tababarka ee ciidamada Soomaaliya ay u xilsaareen midawga Yurub ayaa waxa uu sheegay in xilligaan aysan wanaagsaneyn in tababarka ciidamada Soomaalida loo soo weeciyo Muqdisho.


Ciidamada Soomaaliya oo hada lagu tababaro gudaha dalka Uganda waxaa horay wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ay u shaacisay in wixii xilligaan ka danbeya lagu carbin doono gudaha dalka Soomaaliya.

Sarkaalkaan ayaa waxa uu si aad ah u dhiiri gelinayaa in tababara ciidamada Soomaaliya uu dalka dibadiisa kasii socdo.

Qatarta uu muujiyay sarkaalkaan ayaa waxa uu yahay in wax amaan ah oo leesku haleyn karo oo tababar lagu sameyn karo aysan jirin.

Brig Gen Gerald Aherne ayaa waxa uu magaalada Dublin ugu sheegay wasiirada difaaca midawga Yurub in xalka kaliya ee Soomaaliya loogu soo wecin karo tababarka ay tahay in lahelo ciidamo dheeraad ah oo amaanka tababarayaasha suga iyo gooba caafimaad oo muhim u ah tababarka.

Irland waxa ay ku leedahay tababarayaasha ciidamada Soomaalida 10 sarkaal oo in muda ah howshaan kasuoo qeyb qaadanayay. Midawga Yurub waxa ay Soomaaliya u tababartay 3,000 oo askari laga soo bilaabo 2010

Midawga Yurub ayaa waxa ay kulug leeyihiin tababarka ciidamada Soomaaliya oo inta badan lagu soo tababaro gudha dalka Uganga oo ah dalka ciidamada ugu badan ee nabad ilaalineed ay ka joogaan Soomaaliya.





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved