Faarax C/qaadir oo noqday Wasiirka labaad ee ugu safarka badan Xukuumada

Thursday 14 February 20130 comments



Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir oo lagu tilmaamo inuu yahay mid ka mid ah awoodaha muuqda ee ku jira dowladda Soomaaliya ayaa noqday ninka labaad ee ugu safarka badan, kaasoo ku soo xiga Wasiirada Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Aadan.

Faarax C/qaadir ayaa safarada ugu badan ku tagay dalal ka tirsan Carabta, si uu u xoojiyo calaaqaadka dowladda Soomaaliya la leedahay Carabta, iyadoo haatan uu taageerada ugu badan ka raadinayo dalalka Khaliijka oo saaxib dhow la ahaa dowladdii KMG aheyd ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa uu door weyn ku lahaa ololihii doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana aad loogu garbiyaa dhanka Madaxweynaha oo safarada ugu badan uu la galay.

Faarax C/qaadir ayaa safaro ku tagay dalal uusan Madaxweynaha wali booqan, waxaana loo arkayay mid uu ugu gogol xaarayay safaro laga yaabo in Madaxweynuhu uu ku tago dalalkii uu Faarax booqday.

style="text-align: justify;"> Safaradii u dambeeyay ayaa waxaa uu ku tagay dalalka deriska, Sacuudiga, Imaaraadka, Qadar, Kuwait, Switzerland oo uu uga qeyb galay shir looga hadlayay arrimaha dhaqaalaha, inkastoo ka qeyb galkiisa ay dhaliyeen tuhuno la xiriira qaabka uu ugu qeyb galay, maadaama shirarkaas oo kale laga filayay in Wasiir Maaliyadeed ama Ra'iisul ay ka qeyb galaan.

Faarax C/qaadir ayaa hada booqasho ku jooga dalka Masar oo uu dhowaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu uga qeyb galay shirka Madaxda Ururka Islaamka ee OIC. Laguma arkin Kulamadii Golihii Wasiirada, waxaana uu ahaa ninkii ugu dambeeyay ee la dhaariyay Wasiiradii iyo wasiir kuxigeenadii lagu dhameystiray Xukuumada, maadaama markii xilka loo magacaabay uu howl shaqo ugu maqnaa dalka dibadiisa, 

Awoodiisa siyaasada ayaa la sheegaa inay ka miisaan culus tahay tahay mas'uuliyiinta kale ee dowladda, ma ahan nin qosla, Waa Wasiiru dowle u shaqo badan sidii Wasiir arrimo dibadeed oo kale.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved