IRAN oo beenisay in ay hub u diraan kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaaliya

Thursday 14 February 20130 comments




Dalka IRAN ayaa diidey wararka sheegaya in ay hub u daabulaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka jira gudaha Soomaaliya, waxaana ay ku tilmaameen wararkaas “Layaab beenabuur ah”, sida ay maanta qortey warbaahinta Reuters.

Iyada oo Qaramada Midoobey ay riixeyso sidii looga qaadi lahaa Soomaaliya xanibaadda hubka ee saarneyd 21 sano, ayaa waxaa soo baxay warbixin ay soosaareen kooxda dabagalka xanibaada hubka iyo musuq-maasuqa Soomaaliya iyo Ereteria u qaabilsan Qaramada Midoobey, waxaana warbixintooda ay ku sheegeen in kooxaha Islaamiyiinta ah ee Soomaalidu ay hubka ka helaan dalalka Yemen iyo Iran.

Warbixinta Kooxda dabagalka ayaa sheegaysa in hubka ugu badan uu ka so dego Waqooyiga Soomaalida sida Puntland iyo Somaliland kadibna u gudbo Koonfurta Soomaaliya hubkaasna gacanta u galo kooxda al-Shabaab.

“Sheegashada ah in hub laga diro dalka Iran kaas oo ku socda Soomaaliya waa wax layaableh oo been abuur ah, mana haysto sal iyo caddeyn midna, sidaas waxaa qoraal ku yiri Safiirka IRAn ee UN-ka u fadhida qoraalkaas oo la gaarsiiyey Golaha Amaanka sida laga soo xiganayo Reuters.

“Waxaa wax laga xumaado ah in kooxda dabagalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey, ay u hadleen una dhaqmeen qaab masuuliyad darro ah, soosaaridda arimahan aan salka lahayn iyo sheegashada la yaabka leh ee been abuurka ah, taas oo aan markii horeba wax laga weydiin dalkeyda xiriirna lagala sameyn” ayuu yiri Safiirka IRAN u fadhiya Qaramada Midoobey Ambassador Mohammad Khazaee.

“Waxaa sidoo kale wax laga xumaado ah in waxyaabaha ay ka kooban tahay warbixintan, ee loo dusiyey warbaahinta si dacaayad loo abuuro” ayuu yiri “Warbixintan xumaanta huwan taas oo lagu sameeyey magaca Qaramada Midoobey, ayaa muujinaysa sida la isugu haleyn karo runta Golaha Amaanka iyo weliba Qaramada Midoobey” ayuu yiri Ambassador Mohammad Khazaee.

Iyada oo maalmaha imaan doona la filaayo in Golaha Amaanku dib u eego xanibaadda hubka ee saaran Soomaaliya sidii looga qaadi lahaa, kadib markii Dowladda Soomaaliya dalbatey, isla markaana taageero ka heshey dalka Maraykanka iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa Kooxda dabagalka xanibaadda hubka ee saaran Soomaaliya u dusiyeen warbaahinta Reuters warbixin ay u gudbiyeen Golaha Amaanka taas oo shaki gelin karta in Soomaaliya laga qaado cuno qabataynta hubka, maadaama kooxaha Islaamiyiintu ay dhankooda ku faa’iidayaan haddana ay helaan hubkaas.

Qaar kamid ah madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo Horseed Kula hadley in aan magacooda la soo xigan ayaa sheegaya in kooxda dabagalka Soomaaliya ay ka mid tahay dhibaatooyinka Soomaaliya haysta ee ay ka dhaqaaqi la dahay, isla amrkaan ay ilaaliyaan shaqadooda iyo dano dalal kale ay leeyihiin.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved