Ragga Bidaarta Leh Oo Xagga Romantic Kudhaafay Ragga Timaha Leh (Faalo Muhiim Ah)

Thursday 14 February 20130 comments




Daraasad cusub oo ay ku dhaqaaqeen qubaro loo xil saaray xaqiijinta farqiga u dhaxeeya nimanka timaha leh iyo kuwa tintu ka guurtay ee bidaarta yeeshay.

War bixin ay soo saareen kadib baaritaan dheer ayeyna qubaradani tilmaameen in nimanka tintu ka hayaantay ama bidaarta yeeshay ay dhinacyo badan uga horeeyaan kuwa timaha dhaadheer ee shanlada iyo kareemka marwalba ku howlan.

Daraasadan ayaa laga soo saaray in aqyaarta bidaartu gashay ay dhowr arimood ku wanaagsan yihiin kuwaasoo ay ka mid tahay in ay yihiin niman la aamini karo oo wacadka oofiya, sidoo kale waxaa la sheegay in bidaarleydu ay tahay nin karmeedyo adkeysi leh sidooo kalena saameyn balaaran ku yeesha bulshada ay la nool yihiin.

Ragga bidaarta leh ayaa sidoo kale waxaa la sheegay in hadii ay shaqo doon yihiin inta badan ay ka howl galaan arimaha hogaaminta ayadoo loo doorto in hogaamiye yaal noqon karaan.

Sidoo kale aqyaarta tintu ka haaday ayaa la sheegay in dumar badani aad u jecel yihiin ayadoo sababtana lagu sheegay in ay nimankani yihiiin kuwa ku fiican dhanka Romantic-ga isla markaana fahmi kara dareenka haweenka lagu xod xoto.

Daraasadan ayaa intaas kusii dareysa in nimanka ay haatan tintu kasiii bideyso ee ku dhow in ay kusoo biiraan ururka bidaarle yaasha in ay haboon tahay in ay tinta gabi ahaanteedba iska xiiraa, isla markaana toos u noqdaan hogaamiye.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved