Ugaar ah inta is jecel:- Ka Dheerow Qodobadan Hadaad Rabto Inuu Jacaylkaaga Aflaxo, Qalinka Xaaji Tahriib

Sunday 10 February 20130 comments



Bur Burka keena Xiriir Mudda Soo Socday ayaan aheyn Wax Si Sahal ah Lagu Ogaan Karo Hayeeshee Baaritaano ay Sameeyeen Quburada ka Howl Gala Shabakadda www.hablaha.com ayaa Lagu ogaaday ilaa Shan Qodob in ay Aasaas u Yihiin Bur Buriyaha Jaceylka.

Balse Lamaanayaasha Jaceyl Wadaaga ah waa ay Sahashadaan Shantan Qodob, Sababaha Sahashigaas ayaa Lagu Sheegay ineeysan Xil Wayn Iska Saarin Iyada oo uu Midba Midka Kale uu Isleeyahay Wax Dhib ah Kaagama Imaanayaaan Qodobadan oo Qofka uu Xiriirka idinkala Dhexeeya Mar Horaad Maskaxdiisa Kasbatay.

Daraasadda ayaa lagu Ogaaday in Shantan Qodob ay Aasaas u Yihiin BurBurka Xiriir Mudda Soo Dhisnaa Kaasoo waqti Badan Loo Soo Huray .

Hadaba Shantaasi Qodob Waa Kuwanee Lamanayaasha jaceylkoow il gaar ah U yeesha:-

= Beenta Tirada Badan i Balamada oo Laysaga Baxo, Tusaale Sida:- Guur aad Lamaankaaga/Lamaantaada Xiligaad Ku Hishiiseen uu Kaaga Baxo.

= Qofkii/Qoftii uu xiriirka idinka Dhexeyay oo Mar walba Marka uu Kusoo Waco lakulmo Telkaaga oo Bussy ah, asna uu is- Hayn Kari waayo Maseyr dartii, Siiba Xiliyada Habeenkii.

= Isku Dhacyo Soo Laalaabta Iyana Waa qeyb kamid ah Bur Buriyaha Jaceylka.

= Haweneyda Iyada oo garoob ah Ineey Tiraahdo Gabar Baan ahay, Iyo Ninka Isaga oo Horey Usoo Guursaday
inuu yiraahdo Qof aan shukaansadaba adaa iigu Horeeyo.

= Waxyaabaha aan qarsoomin sida balwadda Iyo dabeecad Xumida.

W.D:- Maxamed Xuseen yuusuf (Xaaji tahriib)

Xaajitahriib@hotmail.com




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved