Gabay Kaftan Siyaasadeed Xiiso Badan oo u Dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne C/Raxman Faroole

Sunday 10 February 20130 comments





Kadib Markii aan akhriyey Wararka oon dhagaystay idaacadaha Somalida ayaa Waxaan jeclaystay in aan tixdan usoo gudbiyo akhristayaasha tixdan Waxaa isugu Jawaabaya Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud iyo Madaxweyne Goboleedka Puntland Cabdiraxaman M.Faroole

Waxayna u dhacday Sidan 

Faroole- Hadii aan Masuul ahay Maamulaaya Meel in la i Maqlaa Ma Mudniyo?


Madax- Mar Hadaan Matalo Magaca Somali Muwaadiinta waan Maqalaa

Faroole- Maqsuud Ma ahi Maalmahaan Muqdishaana Ku Mashquulsanaa

Madax- Ma fahmin Maadadaas ee Ma ii Macnayn Kartaa Maxamed?
Faroole- Fadaraal Miisaaman oo aan ka Muuqanaan Rabaa Muadane

Madax- Mudadaadi Waad Dhamaysatee Midka xige Meesha u banee




Faroole- Marabo in aan Dib Maro Horeyna waan u soo Mintiday

Madax- Umadu way Midaysantee Maxaa Adiga kuu Muuqda?

Faroole- Maraykanaa aqoonsan Meel Dhigee Maxaan u weynay Meertadii?

Madax- In aan ka Moodnay Meelku gaar oo aan Mushaaxnay Maad ogayn?

Faroole- Hadaan Ka Moodnay Meelku gaar Mahiga Ma Muwaadinaa?


Madax- Muraad Yaraan Ka Maaganee Ma Haysto Muunad Weyn

Faroole- Muhiim in aan ahoo Mugweynaha ku Moog Markaas 

Madax- Midnimo aan Muran Lahayn in ay ku Meel Martaan Rabaa

Faroole- Dastuurkaan Meerinay Maalin Hore yaan La Maagin Maandhow


Madax- Mugdi Miyaa Ka Jira Midaas Baarlamaankaaba Maamulee


Faroole- Mahadho Waxay Dhici Markii Midaas La isku Maandhaafo

Madax- Maankaaga gali Maanta iyo Shalay Waa Laba Masaafoode

Dhamaaad

Abwaan Cabdulaahi ibrahim Cabdi (Mureec)
Mureec@Hotmail.com

______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved