Daawo Sawirrada Dhurwaa Masjid xureestay xilli lagu jiray Salaad oo ugu danbeyn ladilay.

Sunday 10 February 20130 comments


Wararka laga helayo degmada Yaakhshiid ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Dhurwaa uu galay mid kamid ah masaajida lagu cibaadeesto ee degmadaasi xilli salaada ceshaha lagu jiray.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in mar qura lagu baraarugay dhurwaaga oo dhex taagan masjidka iyada oo salaada lagu jiro, halkaasi oo ay inta badan dadkii salaada faaruqeen una carareen banaanka masjidka.

Jamaacadii masaajidka ku jirtay intooda badan oo aan garaneyn dhurwaaga muqaalkiisa ayaa waxa ay isweydiiyeen waxa uu yahay bahalkaan ugu soo galay Masaajidka ee hadana bixi diiday kadib markii leesku dayay in la’eryo.

Waqti dheer kadib markii lagu guul dareestay in masjidka laga soo bixiyo Dhurwaaga ayaa waxaa dhacday in ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya loo waco si dhurwaaga xureestay Masjidka dib loogala wareego, halkaasi oo ugu danbeyn ay kudileen.












______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved