Nin Qoorta qaar kago’an oo luguhiisa ku soconaya oo Qeybo kamid ah Muqdisho lagu arkay.

Monday 11 February 20130 comments




Wararka laga helayo Degmada Deyniille ee gobalka Banaadir ayaa waxa ay xaqiijinayaan in lagu arkay Xaafada Dugsi Shanaad nin dhalin yara ah oo qoortiisa qeyba kamid ah midi looga jaray ee hadana socanaya.


Waxa ay sheegeen dadka deegaanku in wiilka dhalinyarada ah oo ay ka muuqato qoortiisa mididii lagu jaray hunguriga qeybta laga neefsadana ay ka jarantahay uu xaafadooda soo gaaray halkaasi oo ugu danbeyn biya ay kusiiyeen.

Xaafada wiilka lagu arkay oo aan laheyn gooba caafimaad ayaa waxa ay sheegayaan wararku in hada ay isu diyaarinayaan dadka deegaank in ay u qaadaan Isbitaalka Deyniille si halkaasi loogu daweeyo.

Ninkaan labireeyay ayaan hadli Karin si u u sheego wixii dhibaatada gaarsiiyay, sida ay dadkii lakulmay u sheegeen Shabakada Hablaha Media Network.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved