Dowlada Soomaaliya oo Soomaaliland ugu baaqday inay xabsiga ka sii deyso Xildhibaanka k tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Monday 11 February 20130 comments


Somaliland ayaa loogu baaqay inay sii deyso Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo muddo todobaad ah u xiran, kadib markii ciidamada ammaanka ay ka qabteen deegaanka Gabiley oo uu ka soo jeedo Mudanuhu.



Xildhibaankan oo lagu magacaabo Jaamac Axmed Maxamuud ayaa todobaadkii la soo dhaafay lagu qabtay deegaanka Gabiley, xilli uu booqanayay, waxaana saraakiisha booliska ay sheegeen inay muddo ku raad-joogeen xildhibaankan oo si qarsoodi ah ku soo galay Somaliland.


Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow oo ah Gudoomiye kuxigeenka Gudiga amniga ee Baarlamaanka ayaa ka cosaday Somaliland inay sii daayaan Xildhibaanka u xiran oo uu sheegay inay ula macaamileen qaab mas’uuliyadeed.


Dahir Amiin Jeesow ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay ka filayeen inay qafiifiso habkii ay ula macaamili jireen siyaasiyiinta ka soo jeeda ee ka tirsan dowladda, kuwaasoo horay looga mamnuucay inay tagaan deegaanada Somaliland.


Waxaa uu sheegay inay socdaan wada hadalo lagu sii deynayo Xildhibaanka, isagoo xusay inay rajeynayaan inay aqbalaan Somaliland baaqa ay u jeediyeen ee ah inay sii daayaan Mudanaha ka tirsan Baarlamaanka.


Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka yaala xeer dambiile qaran, waxaana ay ka mamnuucan yihiin inay tagaan deegaanada Somaliland, hadii ay soo galaana xabsiga la dhigayo.


Inkastoo wada hadaladii bishii July ee dhex maray Soomaaliya iyo Somaliland uu qodobo ka mid ah dhigayay in la qaado xayiraada Somaliland saartay siyaasiyiinta u dhashay ee ah inay tagi karaan deegaanadooda.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved