Talo Rag: 7 Nin oo haweenku ay aad u neceb yihiin in ay nolol la wadaagaan.!

Thursday 21 February 20130 comments


Safarka dheer ee dumarku ugu jiraan raadinta ninka ugu haboon
ee nolosheeda inta ka dhiman ay la qaadan laheyd ayaa ah mid aad u dhib badan
iyadoo haweeneydu ay dhibaato badan kala kulanto xulashada xabiibkeeda mustaqbalka.

Si kastaba daraasaad iyo ra’yi uruurin la sameeeyay ayaa lagu sheegay
in 7 arimoood nimanka lagu arkaa aysan haweenku marnaba u qorsheynin
in ay nolol la wadaagaan amaba ay naftoooda ku aaminaan.

1- Ninka dhaqan caruureedka leh:
Haweenku ma jecla ninka sida caruurta u dhaqma ama u fikira
kaasoo aan hiigsanin hami dheer iyo mustaqbal aayo leh
sidoo kale ninka nuucaan ahi waxa uu inta badan ku mashquulsan yahay
haasaawe aan dhamaad laheyn isagoo ka gaabsada marka guur iyo mustaqbal lasooo hadal qaado.
waxa uuna mas’uuliyadahaas kasoo qaadaa mid aan isaga looga fadhin
oo ay jiri doonaan dad caawiya, haweenka ayaana aad u neceb ninka aan isku tashan.

2- Ninka mashquulka badan ee marwalba shaqo ku mashquulsan:
Waa run in haweenku jecel yihiin ninka shaqeysta ee muruqiisa iyo maalkiisa ku tashta balse haweeneydu gabi ahaanba ma jecla ninka aan siinin daryeelka ay uga baahantahay iyo in uu ihtimaamka ka yareeyo, ragga nuucaan ah ee marwalba mashquulka badan
ayeyna haweenku ka cararaan ka hor inta aanba guur la gaarin.

3- Ninka dhaawaca jaceyl hore qaba:
Hadii aad tahay mid kusoo fashilmay xiriir hore oo jaceyl waxaa kula gudboon in aad waqti qaadato oo aad iska ilowdo wax walboo soo dhacay

maxaa yeelay haweenku aad bey uga gubtaan marka ay arkaan ninka ay xiriirka la leeyihiin oo ka hadlaya xiriiro hore oo soo maray.

4- Ninka shukaansi baradka ah
Haweenka ayaa ka carara isla markaana aan jecleyn ninka shukaansi baradka ah maxaa yeelay ma ahan mid qibrad iyo waayo aragnimo ku filan ka heysta arimahan mar walba oo isku dhac uu yimaadana waxa uu u caroodaa sida caruurta oo kale isagoo sidoo kale ah mid aad u maseyr badan waxbadana  aan kala hubsan.
ficilada nimanka nuucaan ah ayaana ah kuwa aad u fudud, ayagoo aan ka fikirin ka hor inta aysan falka sameyn, haweenka ayaana aad uga fogaada nimanka nuucaan ah.

5- Ninka dhibaatooyinka qarsada oo aan soo bandhigin:
Nimanka qaar ayaa aaminsan aysan habooneyn in ay dhibaatadooda sheektaan
ayagoo ka cabsi qaba in lagu maadeysto ama loo arko nin aan karti laheyn,
balse haweenka ayaa aad u neceb ninka ka qariya dhibaatooyinka heysta
isla markaana go’aansada in uu calooshiisa ku qarsado.
haweenka ayana jecel in wax walba oo farxad ama dhib ah in ay la qeybsadaan ragooda.

6- Ninka aan safarka badneyn
Dadka qaar rag iyo dumarba waxa ay aaminsan yihiin in safarku uu wanaagsan yahay

maadaama muddo ay kala maqnaanayaan lamaanayaashu, isla markaana xiisahii kalgacalku uu meeshii ka bilaabanyo isagoo cusub sidaas darteed ayey safaro ku kala maqnaadaana labada isqabta sanadkiiba dhowr jeer.

si kastaba haweenka ayaa aad u neceb oo ka haajira nimanka safarkoodu badan yahay isla markaana safarkoodu uu yahay mid mudooyin dheer qaadanaya.
arintan ayeyna haweenku aad u dhibsadaan, ayadoo soomaalida samankaan jirtaana

ay aad ugu badan tahay arinkani, waxaana haboon in haweeneyda aan laga maqnaan muddo dheer, maxaa yeelay meesha waxaa ku lumi kara waajibkii guurka iyo baahidii labada qof ay iskaga baahnaayeen oo la gudan waayo.

7- Ninka aan dareensiin haweeneyda in uu guur uga baahanyahay:
waxaa jira niman badan oo ku dadaala in ay haweeneyda wax walbo ka caawiyaan ayagoo ku dadaala in ay si walboo haweeneydu ay jeceshahay in ay u sameeyaan

isla markaana waxa ay tusiyaan in yihiin kuwa maal heysta oo shaqo wanaagsan heysta
balse nimanka nuucaan ah qaar badan oo ka mid ah muhiimad gooni ah ma siiyaan arinta guurka isla markaana kama hadlaan afaarihiisa

arintan ayaana mida ugu daran ee haweenku ay uga hayaamaan rag badan.
si kastoo haweeneydu ay u xishood badan tahay ama ay u sheeko jeceshahay
waxaad ogaatiin in ay marwalba il gooni ah ku fiiriso ninka ka damacsan guur
iyo midka iska rabo oo kaliya in uu iska qiraaxeesto ama waqtiga ku lumiyo,
haweenkuna si kastoo ay u qarsadaan waa kuwa marwalba niyada ku haya
in ay guri iyo qoys la aas aasaan ninka ay jecelyihiin…

 Hadaba hadii aad leedahay dabeecad ka mid ah arimahan aan soo xusnay
waxaad ku dadaashaa in aad sida ugu dhaqsiyaha badan is bedel ugu sameysid
si aad u hesho nolol deggan oo ku raali gelisa iyo haweeney kugu qanacsan oo raaliyo ah..!



_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved