Dagaalo dhimasho iyo dhaawac geystay oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Gobolka Bay

Friday 22 February 20130 comments




Dagaalo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, kuwa Itoobiya iyo Xarakada Al-Shabaab ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bay.
Sida ay sheegayaan wararka dagaaladan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Bardaale iyo Baydhabo, halkaasoo Xarakada Al-Shabaab ay jidka u galeen Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo ka soo baxay Bardaale.
Inta la og yahay ilaa shan ruux ayaa ku dhimatay dagaalka oo labada dhinac ahaa, halka ay tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa guulo ka sheegtay dagaalka, isla markaana ay qasaare u geysteen ciidamada Itoobiya.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa xiisado dagaal ka jiray deegaano ka tirsan Gobolka Bay, kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay tuulooyin u dhow Baydhabo ay weeraro ku qaadeen.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved