Dhimasho, Dhaawac iyo qasaare maaliyadeed oo ka dhashay xerada barakacayaasha ugu weyn dunida oo Soomaali ay ka buuxdo.

Friday 22 February 20130 comments





Laba ruux ayaa dhimatay Shan kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu dab qabsaday xaafad ku taalla Xerada Xagardheer ee dalka Kenya, sida ay xaqiijiyeen ila caafimaad iyo goob joogayaal.

Dabkaan oo aan la’ogeyn waxa uu ka dhsahay ayaa waxa uu baabi’iyay Dukaan gaareysa 15, farmashiyaal, gaadiid nuuca raaxada ah isaga oo sidoo kale qeyb dhan ka baabi’iyay Shaneemo.

Goob joogayaasha ayaa waxa ay sheegeen in dabka oo waqti badan socday demintiisa ay qeyb ka qaateen dab damisya ay leedahay dowlada Kenya, inkasta oo gurmadkii ugu horeeyay ay fidiyeen dadka qaxootiga ah ee ku nool xerada Xagardheer oo iyagu is xilqaamay.

Dadkii ku dhaawacmay holaca iyaga oo doonayay in ay hantidooda kala baxaan goobaha gubanaya oo lasheegayo in ay ku jiraan qaar halis ah ayaa loo dhigay Isbitaallada caasimada Kenya ee Nairobi si halkaasi xaaladooda caafimad wax looga qabto.

Xerada barakacayaasha Xagar Dheer ayaa waxaa caadi ka noqday gubashada iyada oo loo aaneynayo dhismooyinka xeradaasi kajira oo aad u batay iyo taxadar dheeraad ah oo aan jirin waxaana arintaasi walaac ka muujiyay dadka ku nool oo ka dalbaday dowlada Kenya in ay arintaasi wax ka qabato.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved