R/wasaara ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray iyo Dhagax dhig lafilayo in uu ku sameyo Iskuul lagu baran doono tacliinta beeraha oo muqdisho laga hirgelinayo.

Saturday 23 February 20130 comments





Bekir Bozdag, R/wasaara ku xigeenka dalka Turkiga ayaa waxa uu soo gaaray magaalada Muqdisho subaxnimadii hore ee maanta isaga oo ay garoonka diyaaradaha Adan Cadde ay ku soo dhaweysay wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya.


Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Fooziyo ayaa kadib soo dhaweyntii ay ugu sameysay masuulkaani Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa lasheegay in ay u soo dhaadheceen gudaha magaalada Muqdisho, si ay u guda galaan qaar kamid ah howlihii uu dalka u yimid oo ay ugu weyntahay dhagax dhigidda Iskuul lagu barto Tacliinta beeraha, kaas oo ay gacanta kuheyn doonto dowlada Turkiga.

Iskuulkaasi uu dhagax dhigayo Bekir Bozdag ayaa lasheegay in uu yahay Iskuulka 21-ka October ee degmada Waaberi ee gobalka Banaadir halkasi oo lasii dhigay ciidan sii baara goobaha uu tegayo amaanka goobtana ay u adkeeyaan.

R/wasaara ku xigeenka dalka Turkiga ayaa sanadkii hore sidaan oo kale waxa uu u dhagax dhigay Waaxda lasocodka saadaasha Hawada ee garoonka Muqdisho kadib markii uu safar ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved