Sir Culus Oo Loo Hayo Dhalinyarada Doobka Ah Isla Markaana Facebook Wax Ka Shukaansada

Thursday 7 February 20130 comments




Facebook waxa uu noqday Falaarta ugu horeesa ee xariirkoodu ku abaaraan Lamaana yaasha Soomaaliyeed iyadoo 24 saacba eey Malaayiin qofood kuwa haasaawaan Haba ugu badnaadaane dhalinteena Soomaaliyeed.

Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana mudooyinkii ugu danbeeyey waxaad moodaa xeelado cusub iney lasoo baxeen Lamaanayasha kuwooda kuwada haasaawa barta Facebook.

Tusaale :- Hadii aad dooneysid inaad la wadaagto Xariir dhan waliba ah Wiil/Gabadh cidii uu doono ha ahaadee waxaa badanaa dhalintu ay isticmaalaan Sawiro Ama Calaamado calan loo ekeeysiiyey oo astaan u ah Maamul goboleedyada ka jira Gudaha dalka Soomaaliya si
markaasi qofka uu xariirka la sameeynayo qalbigiisa usoo jiito.


Daraasado badan oo la sameeyey ayaa lagu xaqiijiyey arintaasi , bal eeg hadaba inta aad dib ugu laabatid Facebook-gaaga inta ruux ee Online-ka kuu ah isla markaana isticmaalaya Calaamado ama Astaamo gaar u ah Maamul goboleedyada Soomaaliya.

Inkastoo arinkaasi laga wada simayahay wiil iyo gabadh ba ayaa waxaa hubaal ah in Lamaane fara badan oo iminka xariir dhinac walba ah ka dhaxeeyo ay barashadoodu astaan u ahyd Arinkaasi.

















______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved