U Gaar Ah Hablaha : Hadii Arimahan Leedahay Nin Ku Rabo Ma Jiro Ee Dib Isugu Laabo (Fadlan Ragga Waaka Mamnuuc Aqrinta)

Thursday 7 February 20130 comments




Dabeecado oo ay haween badan leeyihiin ayaa si weyn ragga uga careysiiya xilli haweenka aysan dhab ahaan ka War hayn ,hadaba wax ka baro Dabeecadahaas.

Midda Carabka Dheer : waa midda carabkeeda ka dhigta hub ay ku weerarto ragga subax iyo galab , hadii arin yar oo ay xaq u laheyd ninka uu ka gaabiyo roob kaga dhigta aflagaado.

Midda Ganuunaca Badan : wax ay ka mahad celineyso ma jirto , nolosheeda dhan dacwad iyo eed ayay ku dhameysataa , wanaag waliba oo uu ninka u qabtana waxa ay ka dhigtaa hal bacaad lagu lisay .

Midda Areebada Ah : ma daryeesho gurigeeda , ninkana kama helo guriga wax uu ku il doogsado , mar waliba dhar wasaq iyo timo waqooyi iyo koonfur ukala jeeda ayay kaaga hor imaaneysa .

Midda Hadalka Badan sidoo kale midda bakhiiladda ah ragga ma jecla oo ninka aan siineyn caadifada jaceylka waaa badan keenteeda waaan yar bixinteeda . 


Sidoo kale midda leh maseerka ka bad badiska ah iyo sida ragii u dhaqanta ragga kumanaan mitir ayay ka sii fogaadaan ee gabaryaheey taxadar yeelo .




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved