Sidaan Miyaan Filayay, Qurbaha Aniga Iyo Lamaanaheyga Dhib Buu Nagu Reebay..!!

Tuesday 19 February 20130 comments

Sidaan Ma Moodeyn Qurbaha Aniga Iyo Lamaanaheyga Dhib Buu Nagu Reebay..!! Erayadaasi waxaa ku cataabo qof lamaanihiisa si dhab ah u jeclaa balse wakhtiga qurbaha uu kala xayiray…


Bulsho weliba waxeey ku faraq xirataa ama aay la dhaqan noqotaaa bulshada aay la nooshahay, illaa in yar oo diintooda celiso maaheee, mudo laga joogo 22 sano illaa hadda waxaan kusoo qaxeynay wadamada qurbaha haba u badnaadeen kuwa deriska nala ah, kadib markii aan soo wada galnay wadamada qurbaha ah waxaa halkaasi ka baxay dhaqankeenii waayo dhaqankeenii wuxuu ku milmay dhaqamada wadamada aan kusoo qaxnay.

Hadii aan ahaan laheyn dad dhaqankoooda ku dhago oo diintooda celiso weey dhici waaysay waayo waxa soo baxay oo dhaqankii badalay waa dhalinyaro garan waaysay sideey isku xakameyn lahaayeen, oo dadkii garaadka lahaa iyo waalidiinteena waxeey ku hareen dalkii aan kasoo dhaqaaqnay ee aan kasoo dooranay qurbaha, halka waalidkana aay nala jeclaayeen horumar ayagiina aay ugu hareyn colaadihii dalka, balse nasiib xumo horumarkii aay waalidkeena nala rabeen waxaa badalay dadyoowga aan la noolnahay oo dhaqankeenii rogay dhankasta o aay noqotaba.

Aan ku biyo shubto dulucda maqaalkeena anigu kuma xeeldheeri dhanka hidaha iyo dhaqanka balse waxaan doonayaa inaan ka hadlo dhaqamada qurbaha sida aay u dhaawaceen qoyska iyo jaceylkii ka dhaxeeyay.

Koow waxeey noo soo saareen aalado qoyska ku reebay bur bur faro badan waxeey inoo soo saareen goobo aan kula xiriirno dadyoow aanan garaneyn waxaad arkeeysaa qof xaas ama xaasle ah oo ku jiro facebook , twitter, nimbuzz, myspace, paltalk I.W.M weliba lahaasaawayo qof kale ama xaas ah ama xaasle ah, qofkaasi markuu ogaado qofka lamaanihiisa ah inuu aalada internetka ah kula haasaawo dadyoow kale halkaasi waxaa ka dhasho muran faro badan oo sababo in halkaasi lagu kala talo.


Tan labaad waxeey soo sameeyeeen aflaan aad u faro badan sida dhagaheynaba aay maqlaan musasal hebel iyo film hebel, habeenkii markii fiidkii lagaaro odayga xaafada waa uu daalanyahay, wuxuu doonayaa wararka inuu daawado hooyadii xaafada waxey dooneysaaa ineey daawato musasalka Zuhra , caruurtii waxeey doonayaan ineey daawadaan cartoon kadib waxaaba dhaceyso odayga, hooyada iyo caruurta ineey isku dagaalaan remote control-ka Tv-ga habeen walbo dhibkaas lagu jiro.

Runtii ma yaro dhibaatooyinka lamaanaha is qabo aay qurbaha kala kulmeen dhamaan dhibaatooyinkaas lagala kulmay qurbaha asal ahaan waxeey kasoo jeedaan wadamada reer galbeedka hadaba masahlano in la aasaaso qoys jaceyl waaro ku noolaado, sidaa awgeed waxaan kala dardaaramayaa dhamaan lamaanayaasha wadaagayo nolosha ineeysan isku khilaafin waxaan micno buuran laheyn.

Halkaad ka akhrisaneyso waa Hablaha.com Hadaba isku day inaad ka fogaato wax walbo oo dhaawici karo lamaanahaaga amaba qoyskaagana burburin karo, ha sahalsan marnaba qoyskaaga inuu burburo isku day qoyskaaga inuu noqdo famil laga deysado oo ku nool nolol diinta islaamka raali ka tahay.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved