Maxkmadda rafcaanka oo dib u dhigtey dacwadda weriye iyo gabadh u xiran kiis la xiriira Kufsi

Wednesday 20 February 20130 comments





Waxaa maanta Makxmadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir la keeney weriye Cabdicasiis Cabdinuur Ibrahim iyo Luul Cismaan oo Maxkmadda Derjada kowaad ee Goboka Banaidr ku xukuntey midkiiba hal sano oo xarig ah.

Kiiska labadan qof ayaa la xiriira waraysi uu qaadey weriye Cabdicasiis, kaas oo gabadha Luul la yiraahdo ku sheegatey in niman ka tirsan ciidanka dowladda ama xirnaa dharka ciidanka dowladda ay kufsadeen.

Maxkmadda derjada kowaad ee G/banaadir ayaa sheegtey in ay ku heshay labadan qof denbi ah been abuurad kaas oo aan jririn wax kufsi la yiraahdo ee arrimo kale laga lahaa.

Qareemada u doodaya Cabdicasiis iyo Luul ayaa rafcaan ka qaaatey waxaana maanta ay maxkmadda rafcaanka ee Gobolka banadir u gudbiyeen caddeymo sheegaya in weriyuhu aanu daabicin ama siideyn waraysiga uu la yeeshay Luul, isla markaana la isku qaldayo warbixinta al-Jazeera ee kufsiga ka hadleysey iyo waraysiga weriye Cabdicasiis.

Qareenada ayaa ku dooday maanta in labada qof ee maxkmamaddu xukunka ku ridey aysan helin caddaalad sidaas darteed ay ka codsanayaan maxkamadda rafcaaanku in ay waxba kama jiraan ka soo qaado xukunkii lagu ridey.

Xaakimka Maxkamdda rafcaanka ee Gobolka Banaadir ayaa dib u dhigey dacwaddan ilaa todobaadka danbe si loo soo dhamaystiro waxyaabaha ka dhiman.

Dacawaddan ayaa noqotey mid soo jiidatada ururada xuquuqda aadanaha ee caalamka, isla markaana noqotey boog ku taala dowladda isla markaana lagu weydiiyo goobkasta.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved