Golaha shuurada Sucuudiga oo lagu daray 30 haween ah

Wednesday 20 February 20130 comments



Waxaa markii ugu horeysay golaha Shuurada ee dalkaasi Boqortooyada Sucuudiga lagu daray 30 xildhibaan oo haween ah.

Boqorka dalka Sucuudiga Cabdallah ayaa shalay (Salaasa) dhaariyey Golaha cusub ee Shuurada dalka Sucuudiga oo ah golaha talooyinka ka bixiya sharciyada cusub ee dalkaasi lagu soo rogo.

Golaha ayaa markii ugu horeysay lagu daray 30 qof uu dumar ah, arrintan oo dood weyn ka dhalisay Boqortooyada Sucuudiga iyadoo ay jireen qaar kamid ah culumaa’udiinka dalka Sucuudiga oo tilaabadan si weyn uga soo horjeestay, walow go’aanka ugu danbeeya uu mar walba leeyahay Boqorka dalkaasi Sucuudiga Cabdullahi oo horey u sheegay inuu xuquuq dheeraad ah siin doono haweenka dalkaasi Sucuudiga.

Boqor Cabdullahi ayaa dhaariyey dhamaan xubnaha cusub ee Golaha Shuurada oo markii ugu horeysay taariikhda 20% oo kamid ah lasiiyey haweenka.

“…Xilalka la idiin dhiibay maaha mid qaab maamuus ah oo kaliya, balse waa xil ay la socoto shaqo iyo awood la rabo inaad ku matashaan qeyb kamid ah bulshada…”ayuu yiri Boqorka Sucuudiga Cabdallah oo markii ugu horeysay lagu arkay goob fagaare ah tan iyo intii lagu sameeyey qaliin caafimaad bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay 2012.



Boqor Cabdullahi oo hada ah 90 sano jir ayaa xaaladiisa caafimaad laga deyrinayaa waxaan bilihii lasoo dhaafay hawsha boqortooyada waday ninka iskaleh dhaxalka boqortooyada Amiir Salmaan.




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved