Sheeko qosol ah: Nin aqoon yahan ah iyo nin reer baadiye ah oo arin yaab badan ay dhex martay

Wednesday 20 February 20130 comments



Hada ka hor ayaa laba nin oo mid reer Baadiye ahaa midka kalena uu ahaa nin aqoon yahan ah oo wax bartay ayaa waxa ay isku qabsadeen arin la yaab leh taasoo aheyd in ay su’aalo is weydaarsadaan oo ay sharad ku dhigtaan qofkii ka jawaabi waayana uu lacag bixiyo Reer baadiyihii ayaa yiri: Waxaad i weydiisaa su’aal hadii aan ka jawaabi waayana waxaan bixin doonaa oo aan ku siin doonaa lacag 5 dollar u dhiganta.


Aqoon yahankii oo la yaaban nin reer baadiye ah oo sidan dhan u booteynaya ayaa yiri: Waa yahay, adigana su’aal i weydii, hadii aan ka jawaabi waayana
waxaan ku siin doonaa lacag u dhiganta 500 oo dollar.


Reer Baadiyihii ayaa yaabay oo qosol la dhacay, waxa uuna go’aansaday in uu xeelad adeegsado si uu lacagta badan ee aqoonyahanku balan qaaday uu uga helo ama uga guuleysto.



waxaana su’aashii ku hor maray sida balantu aheyd ninkii aqoon yahanka ahaa waxa una yiri:
Waxaad sheegtaa saaxiib, qoraxda iyo dhulka yaa balaaran,?



Reer baadiyihii ayaan geesaha fiir fiiriyay waxa uuna garan waayay wixi uu ku jawaabi lahaa balse taas bedelkaada waxa uu bixiyay 5 tii dollar isagoo ula jeeday ma garanayo jawaabta.



Reer baadiyihii ayaa isaguna markiisa su’aal la kala baxay, waxa uuna yiri:
Waxaad sheegtaa sxb, wax hadii cirka loo tuuro 2 lug leh, hadii ay dhulka kuso dhacaana 4 lug leh?



Aqoon yahankii ayuu xaalku ku cuslaaday, waxa uuna garan waayay jawaabtii uu bixin lahaa 
danta ayaa ku kaliftay in uu 500 oo dollar bixiyo, maadaama ay balantu sidaas aheyd.



Balse aqoon yahankii oo yaaban ayaa ninkii reer baadiyaha ahaa su’aal ku celiyay isagoo weydiiyay: War waxaan aad i weydiisay ee marna 2 lug leh marna 4 lug leh waa maxay?


Reer baadiyihii oo xariif ahaa ayaa waxa uu soo bixiyay 5 dollar waxa uuna u taagay ninkii.


isagoo ula jeeday in isagu xitaa uusan garaneyn su’aasha jawaabteeda, balse lacagta oo kaliya ay u dan aheyd…


( Hadii aad ninkaas aqoon yahanka ah ahaan laheyd, maxaad sameyn laheyd ?)





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved