Ninyahoow Afar Arin Oo Aad Kuugu Fudud Maxaa Kuu Diiday Inaad Ku Hanato Marwadaada.

Tuesday 19 February 20130 comments


Qodobadaan waa qodobo si xasaasi ah aan u soo xulay ragga soomaaliyeed waa arimo laga waayay raga soomaaliyeed waa qodobo hadii aanu rag nahay agteena ka fudud balse xusuuusta dumarka ku qaali ah, waa qodobo ninkii ku dhaqmaa uu jaceylkiisa dhidib adag u taagay.

Haddaba waxaan xusuusinayaaa raga soomaaliyeed qodobadaani intooda badan weey ka baxsanyihiin xiliga haasaawaha, oo waxaan ka hadlayaa waa ninka iyo xaaskiisa, inkastoo aan kusoo qaadan doono qodobo xiliga lamaanaha la adeegsan karo.

Balse waxaa muhiim ah inaan xasuusiyo lamaanaha xiliga haasaawaha ah ku jiro ineey ka fogaadaan wax diinta ka baxsan oo aay iskula dhaqmaan wixiii aay ku dhaqmi lahaayeen naag iyo ninkeeda, waayo waxa koowaad ee lamaanaha haasaawahooda burburiyo ayaa ah wax aaysan gaarin ayagoo ku hamiyo oo ku dhaqmo hadaba ka fogoow waxeey diinta kaa xarimtay si xiriirkaaga mid usii jiro uu u noqdo.

Waxaa la xaqiijiyay lamaane kasta oo isku soo maro sida sharciga diinta in aay isku waarayaan balse kuwiii xiliga haasaawaha labo isqabto camal u dhaqmayay in xiligiii aay isguursadaan durba uu burburayo qoyskaasi, yeeysan ila tagin faaladu aan u daadago qormadeenii aheyd sida ninka xaaslaha ah uu marwadiisa kusoo jiidan karo.

Qodobka koowaad waxaad ogaataa dumarka ineey jeceylyihiin ninka naxariista u muujiyo, hadaba sidee ayaad ugu muujin kartaa xaaskaaga naxariis, xiliga fiidkii ah ee aad daawaneysiin telefeshinka hadii aad caruur leedahay caruurtu xiligaasi ayagaa isku mashquulsan adigana isku day inaad xaaskaaga mashquuliso oo aad ku seexiso xabadkaada kuna cayaar timaheeda, indhaheeda sidii qof qashin kabixinayo u nadiifi, adigoo adeegsanayo farahaada farta ugu dheer, suniyaheeda u salsallaax sidii qof u toosinayo oo kale.

Qodobka labaad wuxuu yahay in aad xaaskaaga
kalkaaliye aad u noqoto macnaheyga in aad maqribkii markaad soo hoyaneysid aad horay ugu soo gado wax u fududeynayo shaqada guriga, sida adiga oo habeen soo gado kululeyso, halka aay cuntada markee kaa qaboowdo habeen walbo aay u kululeyn laheyd, adigoo nal usoo gado si hadii nalka idiin xirin waqti xun haduu gubto horay aad ugu badasho, adiga waxyaabaha dharka lagu dhaqo iyo waxyaabaha jikada maalinba hal hal ugu keenayo, taasina waxeey ku abuurtaa dumarka kalsooni waayo waxey xaqiiqsaneysaa inaad daryeeshid, daryeelka iyo kataxadarkana waa qodob aad qaali ugu ah lamaanaha caashaqa.

Qodobka sadaxaad xaaskaaga iyo caruurtaada meesha aad guriga ugu sharaxi laheyd fanaaniin iyo heeso waxaad ugu sharaxdaa culumo iyo muxaadarooyinka qoyska, runtii macaanta nolosha waxey ku jirtaa arimaha diinteena nafartay ooo lagu dhaqmo sidaa awgeed xooga saar inaad xaaskaaga iyo caruurtaada aad barto diinta islaamka iyo arimaha qoyska waxey ka tiri.

Qodobka Afaraad oo u danbeeyo wuxuu yahay in aad sameysataan xili adiga iyo xaaska idiin gaar ah oo aad mar walbo ugu sheekeyso maantay wixii aad magaalada kala soo kulantay iyo sidii aay shaqada kugu qabsoontay, runtii qodobkaan waa qaali xaaskaaga oo aad si naxariis leh ugu sheegto arimahaasi qalbigeeda waxaad ka dhisataaa daartii jaceylka ee aad ebid ku noolaan laheedeeen.

Maantay qodobadaasi intaas ayaan kusoo af xiraysaa www.hablaha.com inkastoo aay aad u tiro badanyihiin qodobada ninka raga ahi uu xaaskiisa kusoo jiidan karo, balse maalin weliba mar ayey Hablaha Media Network kusoo qaadan doontaa qodobo ka turjumayo sida jaceylka adiga iyo lamaanahaada idiin dhaxeeyo loo kordhiyo, anagoo marna xaga dumarka ka hadli doono marna xaga raga Haduu ALLE idmo.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved