Shirkii Dalalka Islaamka oo maanta lasoo af-jaray, Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey (Sawiro)

Thursday 7 February 20130 comments



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qudbad ka jeediyay shirka ururka dalalka Islaamka (OIC) oo Qaahira maanta lagu soo gaba-gabeeyay.
R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Aadan,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, iyo Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa Madaxweynaha ku wehliyay shirkaan.
Madaxweynaha ayaa qudbadii uu halkaa ka jeediyay uga mahadceliyay dhamaan dalalka Islaamka taageerada ay siiyaan ummadda Soomaaliyeed.Mar uu ka hadlay xaaladda Soomaaliya ayuu Madaxweyne Xassan sheegay in Soomaaliya ay sidii hore ka fiicantahay laakin howl badan weli qabyo tahay, dhinaca amnigana horumar la taaban karo laga gaaray sida burcad badeedii iyo kooxihii nabad diidka ahaa ee Al-Shabaab oo awoodoodii hoos loo riday.







______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved