Dhaawac iyo dhimasho ka dhacdey magaalada Badhan kadib markii laga horyimid diiwaangelinta Xisbiga Madaxweyne Faroole

Thursday 7 February 20130 comments




Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintey saddex qof oo kalena waa dhaawacmeen, kadib markii dadweyne caraysan ay ku banaanbaxeen xafiis uu donaayey Xisbiga uu guddoomiyaha ka yahay Cabdiraxmaan Faroole ee Horsed in laga diiwaan geliyo taageerayaasha laga doonaayey Gobolka Sanaag oo gaaraya 300 magaalada Badhan. Dadka dhibaatadu soo gaartey ayaa waxaa rasaas ooda uga qaadey ciidamada Booliska ee Puntland.
Kadib waxaa magaalada ka bilowdey rasaas u dhexeysey ciidamo kala taageersan Guddoomiyaha Gobolka Sanaag iyo malayshiyo taageersan Taliyihi Canshuuraadka Gobolka Sanaag Maxamed Daahir kaas oo Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Puntland Maxamuud Ismaaciil Jaamac ku eedeeyey in Taliyihii Canshuuraadka lunsadey lacag isla markaana xilka laga qaadey, waxaana Xisaabiyuhu carqaladeyn ku sameeyey in aysan dhicin wax diiwaan gelin ah taas oo fashil ku dhamaatey.
Dhanka kale warbaahinta HMN oo xiriir la sameysey Xisaabiyaha Gobolka ayaa u sheegay sidan:
“Xisbigan waa xisbigii Madaxwayanaha DR: Faroole wax uu gobolka u qabtay ma jiraan, xitaaa weligii film kama daawan, shakhsiyaad buu lacag soo siiyey kuwaas oo eeganaya dantooda gaarka ah taas oo dhalisay in lagu dagaalamo Badhan oo ah dhulka ugu nabdoon Gobollada Puntland markaa Shacabku ma doonayaa xisbigan Horseed”-
Maxamed Cabdi Xirsi
Xiisadda ka dhalatey shaqaaqadii maanta ee Badhan ayaan weli degin, waxaana diiwaangelinta la doonaayey in Horsed halkaas ka sameeyo ku dhamaatey dhimashada dad ka mid ah muwaadiniinta reer Sanaag.


Hablaha Media Network
______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved