Qaramada midoobay oo dowalada somaliya ka codsatay in dib loo furo kiiska warye koronto

Thursday 7 February 20130 comments




Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay inay dib u furto maxkamadeynta Wariye Cabdicasiis Koronto iyo gabar sheegtay inay kufsadeen askar ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya oo dhawaan lagu xukumay min hal sano oo xariga ah.

Madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul Insaanka ayaa waxay ka hadashay xukunkii dhawaan lagu riday wariye Koronto oo ahaa halsano oo xarig ah iyadoo sheegtay in dowlada Soomaaliya ay dib u furto kiiska wariyaha.

Navy Bilai oo ah haweenayda Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul Insaanka waxay sheegtay in loobahan yahay in lagala dagaalamo dadka kufsiga geysanayo islamarkaana ay qatar tahay dagaalka lagula jiro kufsiga.

Waxayna sidoo kale sheegtay in dowlada looga baahan yahay in baaritaano dhab ah lagu sameeyo kiisaska ku aadan kufsiga loo geysto haweenka gaar ahaan kuwo ku jiro xeryaha barakacayaasha.
Sidoo kale madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan xuquuqul Insaanka oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaa ku dartay in Toban maalmood ka hor ay arintani si toosa ugala hadashay mas’uuliyiinta dowlada
Soomaaliya, iyadoo sida ay sheegtay dowlada ugu baaqday in si deg deg ah dib loogu furo kiiska wariyaha iyo haweeneyda faafisay kufsiga been abuurka ah.


War saxaafadeedka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa lagu sheegay inay ka digeyso Qaramada midoobay oo ay ku celineyso arrinta la xiriirta Kufsiga iyo tacadiga lagula kaco haweenka ku nool kaamamka si dhibanaha ,goob joogaha iyo xubnaha qoyska ay ugu dhiiradaan inay ka hortagaan falalkaas.

Zainab Hawa Bangura,oo Madaxa Qaramada midoobay ee kufsiga iyo tacadiyada ayaa horey ugu hadashay arinta la xiriira xariga Wariye C/casiis Koronto iyo Gabadhi dhibanaha ahayd ee sheegtay inay kufsadeen rag ku labisnaa dareeska ciidanka islamarkaasna sheegtay in si sax ah loo baaro cadaalad wanaagsana ay helaan Wariye C/casiis Koronto iyo Dhibane Luul Cali Cismaan waxaana xukunkii maxkamadda gobolka Banaadir lagu tilmaamay mid la hareer maray sharciyadda.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved