Shabaab oo Dilay Laheyste Keyaan ah Ayagoo kuwa kalana U Qabtay 72Sacaadood

Friday 15 February 20130 comments




Alshabab ayaa War Saxaafadeed ay soo saareen lagu sheegay inay Dil ku fuliyeen mid ka mid ah Maxaabiista Kenyaatiga ah ee Gacanta ugu jirta kadib markii uu dhamaaday Waqtigii ay u Qabteen Dowlada Kenya in ay Shuruudada aqbasho.

War Saxaafadeedka Al-Shabaab ayaa lagu cadeeyay in Xukunka Dilka ah lagu fulinayo Askari Ka tirsan Ciidamada Milatariga Kenya oo lagu Magacaabo “Jonathan Kipkosgei Kangogo” kaas oo ay xilli sii horeysey gacanta ku dhigeen isaga iyo qaar kale oo ka tirsan ciidamada Dawlada Kenya.

“ In kasta oo ay wada hadal iyo waqti ku filan siiyeen Dowlada Kenya, hadana waxaa ay go’aansatay in ay dhegaha ka furaysato dhawaaqa kasoo yeeraya Alshabab Maxaabiista ah, arintaas oo cadayn u ah in aysan Wax Qiimo ah lalahayn , Noloshooduna ay aad rakhiis u tahay marka la bar-bar dhigo nolosha Dalxiisayaasha ay Kenya sheegtay in ay Soomaaliya ugu soo duushay si ay u soo furato” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka Mujaahidiinta.

Alshabab ayaa Sheegay in inkasta oo Askariga ka tirsan Milatariga Kenya isaga laga taqalusay hadana weli ay Kenya fursad u haysato sidii u badbaadin lahayd shanta kale ee weli noloshu ku dambayso, kuwaas oo ay Qoysaskoodu si gaar ah ula soo xiriirayaan Al-Shabaab, Waxaana ay Mujaahidiintu Qoysaskaas siinayaan waqti gaaraya 72 saacadood in ay Jawaab ka keenaan Dowladooda si ay Maxaabiisa kale u nabad galaan.

Dhawaan ayay ahayd markii Al-Shabaab ay Dowlada Kenya u qabteen Muddo Saddex Isbuuc ah in ay ku aqbasho Shuruudaha oo ahaa in ay dhamaan dadka islaamiyiinta ah ee Xabsiyadeeda ku jira soo dayso si Maxaabiista Wadankeeda oo tiradoodu ay Lix gaarayso loogu soo daayo, Arinkaas oo aysan Kenya wax Jawaab ah ka bixinin.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved