Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ka yeeshay cunaqataynta hubka ee saaran dowlada soomaaliya.

Friday 15 February 20130 comments




Xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay iskugu yimaadeen oo ka dhacay xaruntooda New York ee dalka Maraykanka ayaa waxaa looga hadlay arimaha Soomaaliya gaar ahaan cunaqataynta hubka ee saaran dowlada soomaaliya.

Shirkaan oo ay dowlada soomaaliya uga qayb gashay  wasiirka arimaha dibada ahna raysal wasaare ku xigeenka Marwo Foosiyo Yuusuf  Xaaji Aadan ,ayaa waxaa shirka intuu socday waxaa la isla soo qaaday arintan hubka ee saaran Dawlada soomaaliya kaasi ay qaramada midoobay ay saartay sanadii 1992  xilligaas oo dalku aysan jirin cidka la talisa

Shirkna golaha ammaanka ayaa waxaa warbixin kooban waxaa laga dhagaystay kaaliyaha xoghaya guud ee qaramada midoobay  kaasi oo sheegay in dawla soomaaliya ay  adag tahay in xiligaan laga qaado wallow ay arinkaasi horey uga soo hor jeesteen dawladaha Frances-ka iyo Britan ,iyadoona inta uu kulan socday la isku af gartay in mudo bil ka dib arinkaani dib u eegis lagu  sameyn doono.

Wasiirka arimaha dibada Marwo Foosiyo Yuusuf  Xaaji Aadan ayaa carabka ku dhufatay in  ciidamada AMISOM oo mandaytkooda uusan ku jirin inay  dhinaca bada ka hawl gala gaar ahaan ciidamada Dawlada Kenya  sida ay sheegtay wasiiradu ka hawl galaan bada taasi oo aysan amar u qaban.

Horay ayaa arinta qaadista cunaqabataynta hubka ee saaran Dawlada soomaaliya waxaa u soo bandhigay golaha ammanaka xoghayaha qaramada midoobay Ban Ki-moon wallow arinkaani ay adkaatay in laga qaado.
Ugu danbayntii  ayaa shirka intii uu socday waxa la isla gartay in dib la iskugu soo laabto 30 casho ka dib si hadana dib u eegis loogu sameeyo arinkaani ku saabsan qaadista cuna qabataynta hubka ee saaran dawlada soomaaliya.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved