Safaarada soomaalida ee Dalka south Africa ayaa balan qaaday in aysan jiri doonin dhaca iyo dilalka loo geesto Ganacsatada Soomaaliyeeed ee South Arika degan

Saturday 2 February 20130 comments




Isaga oo ka hadlaye safiirka Soomaaliya ee dalka South Afrika kulan ballaaran oo uu la yeeshay qaar kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa wuxuu sheegay in iminka laga bilaabo aan la maqli doonin dhac loo geestay Soomaalida ganacsatada ah ee kunool South Afrika.

Safiirka Soomaaliya ee dalka koonfur Afrika Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi ayaa sheegay in ilaa si wanaagsan looga xaqiijiyo ammaanka Soomaalida kunool South Afrika iyo ganacsigooda intaba aysan nasan doonin masuuliyiinta Safaarada.

“Ma dhici doonto hanti qof Soomaali ah uu leeyahay in la dhaco oo hadana la iska aamuso oo aan laga daba tagin”Sidaasi waxaa yiri Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi Safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay soo celinayaan sharaftii Soomaali ay laheyd islamarkaana kooxaha caadeestay dhaca shacabka Soomaaliyeed aan looga hari doonin.

Dalka South Afrika ayaa waxaa dhibaatooyin kala duwan loogu geestaa Soomaalida kunool dalkaasi iyadoo dhac iyo dilal qorsheysan loo geesto ganacsatada Soomaalida ee dalkaasi ku dhaqan


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved