Sababta Aan U Ahay Doob anigoo Duq Ah Waa Nabsi Aan Ka Galay Xaaskeeygi Hore Qiso Dhab Ah Aqirso

Saturday 9 February 20130 comments



Qisadani ayaa waxaa ay tahay qiso aad u murugo badan, waxayna ku dhacday, nin magacisa iigu soo gaabshay muuse, waxaana muuse ku kulan meel kamida gobaha lagu qaxweyo ee dalkani Kenya .

waxaan ka wareeystay sababta uu u yahay doob ama iskaabulo isaga oo jiro da’da ah 55 waxana ka codsaday in uu ii duubo cod si aqristayaasha Shabakada Hablaha MEdia Network ay u dhageeystaan laakin muuse waaa uu iga diiday taas sababo jiro awgeed waxaana uu ii sheegay in uu iisameynayo oo kaliya qoraal ama wax lamida waxana ay sheekada ino dhaxmartay sida tan .

Muuse waxaa uu yiri horaantii 1985kii aniga oo jogo dalkii hoooyo gaar ahaan casimada labaad ee hargeisa ayaan guursaday inan da’deedu .

gabadhaasi waxaan wada joognay mudo dhan 8 sanadood, mudadaas waxaan guraga ka tagi jiray aroor hore si aan shaqada u beegsado. waxaana imaan jiray galanka dambe ee maqribka dabadiis, qadar aan ku qiyasi jiray halsaac ayaan joogi jiray gurigeeyga laakin waxaan durbadiiba beegsan jiray, goobaha lagu caweeyo ee ku yaalo hargeisa, intii mudada sideeda sano ahayd badana waxaan joogi jiray halkaas, aniga oo nafsadeeydu ay iga dhaadhicisay in guriga ii yahay mid cidlo ah, muuse oo aan weeydiiayay sababta usan ugu qanacsaneeyn in uu ku nagaado gurigiisa ayaa yiri ” dhammaan raga aan wada shaqeyn jirnay waxay ahaayeen rag aan xaasas lahayn ayaga ayaana inta badan la soo fiidsan jiray, sidoo kale waxaan weeydiiyay qaabkii ay ku timid kala tagooda ama furiinkooda maadama ay tahay arin culus in qoys, uu baa’baa wuxuna igu yiri

waxaa ii yimid aabahayd oo ay arinta la socod siisay, waxaana uu iga codsaday odayga in aan siiyo gabadha madaxeeda bacdamaa aan anigu gudan waayay waajibaadki iga saarna dhaqashada marwadeeyda, sidaasi ayaan ku kala tagnay waxaaan weeydiiyay muuse sababta uu u guursan waayay mudadan ka badan 30ka sano waxaana uu sheegay in ay la soo darastay dhibaato weyn markii uu furay xaaskiisi, taas oo ah in uu gabi ahaanbo ka baqo ama uusan niyad u hayn dumarka, waxaana uu sheegay markuu is yirahdo bal haasaawe gal ama shukaansi samee in niyadiisu ay tageeyso hadala aan is lahayn, uu kula hadlayo qofkii uu shukaansanayay taas oo keentay in dumarka ay yirahdaan, xoga waa loo dhimanyahay ama ma dhamo, waxaana uu arintaaasi ku macneeyay sabab uu isaga gacmihiisa ku geeystay

 ilen dulmiga waa sheey cajaa’ib ah qur’aan waa lay saray caafimaadkeeyga wa tamaam laakin ma lihi hami guur iyo mid shukaansi ayu warkiisa ku soo afmeray muuse guntii iyo gaba gabadii arintani ayaa ah mid lala yaabo hadana, waa mid lays dhihi karo waa dulmi uu horay u geestay arina ayaan ahayn mid ku cusub raga inta badan gabood falada u geesto xaasaaskooda baariga ah 


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved