MAXAA KEENA SIIGEYSIGA?

Saturday 9 February 20130 comments


Sababaha keena siigaysiga waxa ugu horreeya inay qofka u fududaan weyso inuu helo xabiib uu ka xaaja guto, sidaasi buuna ruuxa cid wax la qabata intuu waayo, gacmahiida biyaha isaga saaraa. Siigaysiga caynkaasi ahi waxa uu ku badan yahay dadka ka fog jinsiga kale sida; ardayda dhigata kulleejooyinka (Boarding Schools), cusbitaallada, xabsiyada, warshadaha, ciidanka badda, dumarka aan la guursan, garoobbada iyo dumarka laga dhintay.


Waxa kale oo siigaysiga keeni kara in qofku uu ka dido galmada oo uu u arko wax xun sida wiil dhallinyaro ah oo lagu barbaariyay in galmada guurka hortiis cadaab lagu muteysto, isaga oon awoodna u lahayn inuu guursado. Waxa kale oo dhacda in qofku uu ka dido urta qofka kale, taasi oo keenta nacayb uu u qabo jinsiga kale sidaasina uu ku siigaysto.

Waxa dhacda in ragga qaar kolka ay u galmoonayaan haweenkooda ay si degdeg ah u biyabbaxaan, dumarkoodii oon weli gaarin heer biyabbax, taasi oo markaasi dumarka caynkaasi ah ku kallifta inay siigaystaan.

Siigaysiga carruurta waxyaabaha doorka libaax ka qaata waxa kamid ah finan yaryar oo ka soo baxa dubduleedka xubinta taranka (sida isnadaamiska oo kale), oo siduu u xoqayo uu si lama filaan ah u kaco geedkii, dabeetana uu sii macaansado ilaa uu biyaha tuuro, sidaasina uu ku barto kuna caadeysto siigaysiga.

Waxa kale oo ay da’ yartu siigaysiga ka baran karaan saaxiibadooda kale haddii ay siigaystaan, inankuna sida uu saaxiibkii sigaar cabista uga barto si lamid ah buu siigaysigana uga bartaa.

Ginseng waa geed dabiici ah oo ragga kacsigooda yaraaday xoojiya

z Ginseng
waa geed aad u daran oo dacbiici ah oo guud ahaan jirka awood u keena gaar ahaan dhinaca galmada, waa geed laga keeno dalka shiinaha iyo kuuriya iyo maraykanka, waxaa loo isticmaali karaa qaabab kala duwan sida shaah oo kale inta loo kariyo ayaa la cabbaa, ama waxaa lagu dari karaa malab, kaddib rooti iyo iwm. baa lagu cunaa, saamaynta geedkan dhinaca galmada waa mid aad u daran ragga isticmaalo waxay dareemaan kacsi daran iyo waxtar weyn oo ay ku qancin karaan xaskooda, maxaa yeelay sida la ogyahay naagta inta badan ninka way ka dambeynaysaa biyabbaxa, marka uu ninka dantiisa dhammaysto, awood kale mala imaan karo oo uu kaga bixin kara naagta biyaha naagtiina way ka xishoonaysaa inay ka dalbato in biyaha laga saaro ileen naagaha way ka xishood badan yihiin nimakga, marka sida ugu fiican oo ninka iyo naagta ay isku fahmi karaan waa in hal mar ay isla biyabbaxaan ninka waxaa laga rabaa inuu naagta ula sugo biyaha,

Ginseng wuxuu siinayaa ninka awood kacsiyeed oo naagta lagu hogaamin karo ilaa ay ka biyabbaxdo.

W.Q Dr.Ali Omar Abati Binfaghi

E-mail: ao_abati@hotmail.com


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved