Maraykanka oo baadi goob ugu jira Askri Baxsad ah

Saturday 9 February 20130 comments



Christopher Dorner ayaa horey uga soo mid ahaan jiray ciidamada Bada ee Maraykanka (Navy) wuxuuna dhawaanahan kamid ahaa ciidamada Booliiska ee magaalada Los Angels ee gobalka California.
Ninkan ayaa loo heystaa inuu Khamiistii lasoo dhaafay uu dilay askari iyo haweenay ay saaxiibo ahaayeen kadib markii la sheegay in shaqadii Booliiska laga ruqseeyey.
Christopher Dorner ayaa Facebook uu leeyahay ku qoray eedaynmo uu u jeedinayey Sodogiis oo ah Kabtan ka tirsan Ciidamada Booliiska, isagoo sheegay inuu ninkaasi ka danbeeyey in shaqada laga ruqseeyo. Waxaana la filayaa in arrintaasi ay salka ku heysto dilka uu ninka u geystay haweenaydii ay saaxiibada ahaayeen.
Ciidamada Booliiska ayaan weli ku guuleysan inay gacanta kusoo dhigaan ninkan oo la sheegay inuu si weyn u hubeysan yahay, wuxuuna Christopher Dorner Facebookiiga ku qoray digniin ku socota ciidamada baadi goobaya, isagoo ku habjabay inuu heysto Baasuuke isla markaana uu dhulka soo dhigi doono diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helikobterka ee ciidamada Booliiska ku baadi goobayaan.
Booliiska iyo ciidamada Militariga ee baadi goobaya ninkan ayaa waxa baaritaanka ugu xooga badan ka wadaan dhulka Buuraleyda ah ee Bariga ka xiga magaalada Los Angels, halkaasi oo jimcihii laga helay gaariga ninkan oo la sheegay inuu sii gubay kahor intuusan ka baxsan goobtaasi.
Dhulka baaritaanka ka socda ayaa ah mid buuraley ah isla markaana uu xiligan ka da’ay baraf xoogleh arrintaasi oo caqabad ku noqotay baaritaanka ay ciidamada wadaan.
Dilkii Shiishyahankii

Baadi goobka ninka askariga ah loogu jiro ayaa kusoo beegmaya xili todobaadkii tagay isla dalka Maraykanka lagu dilay mid kamid ah ciidamadii Maraykanka ee Ciraaq iyo Afghaanistaan kusoo dilay dad badan.
Chris Kyle oo kamid ahaa ciidamada Komaandooska Bada (Navy Seals) ayaa ahaa askari ku xeel dheer dhanka shiishka, wuxuuna hada kahor qoray Buug uu uga hadlayo inuu dilay 160 qof xiligii uu ka qeyb qaadanayey dagaaladii ka dhacay wadamada Ciraaq iyo Afghaanistaan.
Chris Kyle ayaa waxaa dilay nin isaguna horey askari usoo ahaan jiray oo lagu magacaabo  Eddie Ray Routh, kaasi oo ay ciidamada Booliiska gacanta ku dhigeen.
Eddie Ray Routh ayaa la sheegay inuu qabay cudurka dhirmirka ee ku dhaca askarta dib uga soo noqda dagaalada, Mr.Kyle ayaa isagu kamid ahaa dadka caawiya askarta dhibaatadan qaba.
Xiliga uu dilka dhacayey ayey raggan ku sugnaayeen goob lagu barto dabridida ama shiishka oo ku taal gobalka Texas.







______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved