QODOBO:- waa maxay sababaha keena in Ninka uu cabsado habeenka koowad ee Guurka??

Thursday 14 February 20130 comments






Khabiir Gaadah Mohamed Saciid waa Qoraa dhanka Arrimaha Bulshada waxa uuna leeyahay Buugag badan oo ku qoran afka Carabiga waxa uuna qoraalkiisa inta badan ka qoraa Arrimaha Dumarka iyo Ragga sida Khilaafatka iyo asbaabaha,Cabsida habeenka barakeysan ee Lamaanaha IWM

Haddaba waxaa  maanta qoraalkeena ku soo qaadaneynaa Qodobka ah ‘’Cabsida ku dhalata Ninka Habeenka koowad ee barakeysan inta uu la joogo Zowjadiisa’’ Khabiirka oo arrintaasi wax ka qoray ayuu kusoo koobay Dhowr Qodob oo kala ah:-

  • 1-                             Waa arrin u baahan Khibrad qoto dheer oo looga baahan yahay ninka inkasto Ragu ay kawada siman yihiin Cabsida Habeenka Barakeysan hadana waxaa loo bahanyahay siyaasad degan in aad la dheesho Marwada aad calmatay


  • 2-                             Waxaa loo baahan yahay in Habeenka Koowad aad sameyso Kaftan bar-bar socda farakacayaar hadii aad ku deg-degto Marwada ogaaw Jirkaada waxa uu sameynaaya Dib u dhac waxa uuna qaadanaaya Go’aan ah in uu dib u laabto maadama habeenkaasi gabi ahaan ay ku hareereneyso Cabsi


  • 3-                             Inta badan Ragga Habeenka Koowad waxa ay niyadda ka dhadhacsiiyan in ay ku jiraan xaalad adag halka xiliyada qaarna ay niyada ka dhadhacsiiyan in xaajadu ay adagtahay islamarkaana ay isugu biya shubaneyso ‘Kud-kaguur ee qanja u guur’ taasoo ay micnaheedu tahay Ninka oo ay lasoo dariseyso iskana dhadhacsiinayo inuu yahay ruux aan dhameystirneen


  • 4-                             Iska ilaali waa habeen Taariikhi ah Xaaska waxa ay diiwan galineysaa awoodada Cagsi ninkuna waxa uu diiwan galinaaya Awooda Xaaska ee Fadlan haku degdegin inad sameyso qoob ka cayaar!!!


  • 5-                             Ma ogtahay inay tahay Mushkilada ugu weyn ee kusoo wajahdo inta aad joogto aduunka waxa aan uga bad-baadi kartaa inad adkeyso Goosha si aad halkaasi ugala soo hooyato Guul leysku hubo


  • 6-                             Ha moogan in sababta ugu weyn tahay ‘Cabsi + Kalsooni la’aan’ kaasoo ka dhalaneysa qaabka aad ula tacaamuli lahayd Xaaska


  • 7-                             Arooska iyo aroosada waxaa looga baahan yahay inay iska indha tiraan Imtixaanka hor yaala haddii taa lawaayo waa in la helaa Degnaansho dhex martaa labada qeyb ee uu kulanka dhex maraayo


  • 8-                             Ogaaw waa Habeen Taariikh mudan waxaana mamnuuc ah hadalka badan,xanaaqa bada,far-far ku taaga badan maadama ay jirto cabsi taasina sababi karto inuu dhaco isku dhac labada qeyb ah


  • 9-                             Waa maalin xasuus ah islamarkaana sababeysa in ninka uu ka fogaado xaaska dhankeeda taasina kama dhigna Nusqaan dhanka ninka balse waa Cabsi qura


  • 10-                         Waxa istaagaya dhiiga,waxaa baxaaya neef badan, waxaa araga gabaaya indhaha sababtuna waxa ay tahay Cabsi ka imaaneysa labada ruux dhankooda Ogaaw hadii aad aragto xaaladaasi ma ihid ruux liita balse waxaa lagu jiraa waqti adag oo aan xasuus lahayn





______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved