Qiso Layaab leh : Lamaane Isguursaday In Kabadan28Jeer Oo Hadana Wali Isdoonanin.

Tuesday 5 February 20130 comments


Inta badan hareeraheena waxaan ka aragnaa shaqsiyaad jabiyay waxayabaha aan maanka galaynin ama kugu waynanaya kolka aad maqasho, lamaanahaan ayaa waxaa ay ku nool yahiin nolol Rootiini ah noloshooda waxaan qaar kale ay ku nool yahiin qawaaniin iyo qaabab ay dajisteen taasi oo ay arkaan in ay uhaboon tahay.


Dalka maraykanka ayaa waxaa lagu tiriyaa in u yahay isha inta abdan lagu arko waxyaabaha Qariibka ah, Qisadeen maantana waxaa ay quseeysaa lamaane Britin ah oo go`aansaday in ay mudo Sadax sanadood ah ku soo wareegaan dunida, magaalo kasta oo ay tagaan isku guursadaan.



Safarkooda waxaa uu biloowday Xagaagii ina soo dhaafay ka dib markii ay iibiyeen waxkasta oo ay lahaayeen sida ay qarshaadkaasi ujeedooyinkooda ugu fuliyaan, Guurkoodana uga dhigaan mid caalami ah oo dunida oo dhan wada ay aroos ku dhigtaan.



Wargeeyska Daily mail ayaa laga soo xigtay in ninka oo lagu magacaabo Ilikis Bilinikh oo 32 jir in isaga iyo xaaskiisa aliisa Jayn 30 jir ah ay go`aansadeen in ay wareegaan dunida oo magaalo kasta oo ay tagaana aroos ku dhigtaan., waxaana ay samaynayaa safar u eg safarkii Badmareenka Caanka ahaa Ibnu baduuda, waxaan ay safarkooda ka soo bilaabeen Biriting , iyaga oo usafray roma Spain bayruu Kolombiya Salfadoor Haaway Billis banama kanada, walina waa ay sii wadaan safarkooda iyaga oo isbuucaan arooskoodii 29 labaatanaad ku samaystay koofurta magaalada Karooliina ee Dalka maraykanka.




Qoyskaan galay nolosha u eg waalida ayaa qarshaad ad u badan ku qarasha gareeya safarkooda, si ay u yareeyaan lacagahaasi faraha badana madagaan hoteelada waxaan ay magaalo kasta o ay taagaan seexdaan meelaha loogu talagalay dadka aan guryaha lahayn oo ka jira dalalka qaarkoo dunida ,Waxaan hada ay galeen arooskii 29 tanaad walina waa isu doonan yahiin.



Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved