Askari ka tirsan AMISOM oo ku geeriyooday qarax shalay Muqdisho ka dhacay

Tuesday 5 February 20130 comments




Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa shalay ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay nawaaxiga Xarunta Kulyadii Jaalle Siyaad.


Floribert Biyereke oo ah Afhayeenka Ciidamada Brundi oo la hadlay wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in askariga uu geeriyooday kadib markii uu ku qarxay miino shalay oo Isniin aheyd.

Afhayeenka ayaa ku eedeeyay in qaraxaas ay ka dambeeyeen Kooxda islaamiga ee xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa wali lagu eedeynaya weerarada is qarxinta iyo qaraxyada miino ee jidadka la geliyo.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa xaaladeeda amaan soo hagaageysay tan iyo wixii ka dambeeyay Agosto sanadkii 2011 oo ay isaga baxeen Xarakada Al-Shabaab.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved