Qaabab Wanaagsan Oo Haweeneydu Kusoo Jiidan Karto Ninkeeda “Sixir Jaceyl”

Tuesday 5 February 20130 comments


Gabdhaha soomaaliyeed waxaa xaqiiq ah in 79% aay aad u jeceylyihiin sidii aay u raalli gelin lahaayeen lamaanahaooda aay nolosha la wadaagayaaan, halka inta kale aay buuq iyo qeylo u taaganyihiin har iyo habeena afkooda kasoo baxaan erayo ah ma asagaa i dhalay, asagaba intaas kama helo siduu iiga helayaaa.

Waa cajiib in gabadh marwo ah nololna dooneyso ineey erayadaas foosha xun ku hadaaqto, nolosha waa muhiim waxaana muhiimadeeda fahmi karo labada lamaane ee isfahansan, mid welibana u taagan inuu kan kale qanciye, shabakada hablaha.com inta badan waxeey tallooyin jaceyl usoo jeedisaa lamaanayaasha soomaaliyeed.

Hadaba maanta waxaan kuu sidnaa qodobo aad ku sixri karto ninkaaga ebidna uusan kaaga ag fogaan doonin, hadaba sixirku maahan sixirkii aad taqaanay, ee waaa soo jiidasho ninkaaga ku kalifeyso inuusan kaa agtagin.

B - Ninkaaaga si aad usoo jiidato waa inaa sameysataa cilaan saar hadba midka aad awoodo, cilaanku mid waxaa saarto hablaha yar yar midna habraha waa weyn, adigu kan quruxda badan saaro si ninkaaga carafta cilaanka iyo jirkaaga quruxdiisa ugu qaboobo.

Waayo waxaa xaqiiqo ah in gacmaha cilaanka saaran iyo kuwa aan saarneyn ninku kala dareemi ogyahay, markuu gacantaada gacantiisa saaro uduga cilaanka sankiisa qabto, quruxda cilaankana indhihiisu qabtaan wuxuu xaqiiqsadaa gacan dumar inuu haayo hamigiisana aad buu usii yara kacaaa, sidaa awgeed ku dadaal in aad ninkaaga kusoo jiidato cilaanka…

T - Gurigaaga u samee udug u gaar ah, ragu waxeey jaceyl yihiin gabadha hal barafuuna ama hal nooc oo carfiso ah u isticmaasho gurigeeda, maalinba nooc cusub waa laga fiicanyahay, ogoow ninkaagu carafta joogtada ah ee aan is badalka laheyn inuu la qabsan doono, taasina aay sababi doonto mustaqbalka asoo meel kale joogo xattaa haduu caraftaas arko inuu ku xasuusanayo xasuus hami iyo hiloow culus astaan u ah…

J - Usoo iibi jaakad kadibna u hadiyadeey, waayo jaakadku maahan dhar maalin walbo la qaato waxaa la xidhaa maalinta qaboowgu jidho oo kaliya sidaasi awgeed jaakadkaasi sanado badan ayuu haaysanayaaa manoqonayo mid dhaqso ku dhamaado, mar walbo oo xirto mise asxaabtiisa weeydiiyaan wuxuu ku faanayaa inaad adiga usoo gaday, taasina ragu waxey ku dhalisaa ineey haaystaan marwo aay isku haleyn karaaan…

X - Ninkaaga mar weliba u dhoola cadeey, waayo dhoola cadeyntu waa sheey dhankaaga sahal ka ah balse ninkaaga xiiso iyo inuu kuu sheekeeyo ku dhalineeyso, halkii mar ee aad u dhoola cadeyso waxaa macquul ah in jaceylka ku sadax jibaarmo, sidaan ognahayba dhoola cadeynta, dharka qafiifka ah, shumiska, catarka, nadaafada, nalka qolka jiifka oo midab ah sida buluug ama guduub, iyo sariirta qolka jiifka oo marba dhinac loo dhigo, intaasiba ninku weey soo jiitaan adiguna ha sahalsan…..

Intaas ayaan kusoo koobeynaa gabadhu sideey kusoo jiidan karto ninkeeda, xusuusnoow dumar badan oo iska jiifo, in aay sababto mustaqbal halaabo, ku dadaal mustaqbalka waayo ruuxa markuu nolol fiican ku noolyahay wuxuu wakhti u helaa xalinta dhibaatooyinka qaraabadiisa, wuxuuna si buuxdo u xasuustaa caawinta waalidkiis.

Balse hadii aad noqoto qof qoyskiisa dhib miiran dhex taagan intaad ku mashquulsan tahay xalinta dhibaatooyinkaas ayaa waalidkaba ilooweeysaa inaad xasuusato……

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved