Mid ka mid ah shaqaalaha Soomaalida ee IOM oo heley abaal marin caalami ah

Tuesday 5 February 20130 comments


Xuseen Yoonis Xasan waa 27 jir ka tirsan shaqaalaha Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) xafiiskeeda Garoowe, Puntland – Soomaaliya waana sarkaal sare oo dhanka barnaamijyada caafimaadka u qaabilsan IOM. Xuseen waxa uu guddoomey aqoonsi sare oo caalami ah oo uu ku muteystey shaqada wax ku oolka ah ee uu u hayo dhalinyarada Somaaliyeed. Aqoonsigani waxa uu ka gudoomey kala fadhiga guud ee dhalinyarada ee ka dhacay xarunta Qaramada Midoobey kowdii bishani February, 2012 kaasoo ay kasoo qayb galeen ergo tiradoodu gaareyso 500 qof. Xuseen waxaa la gudoonsiiyey abaal gud loo yaqaano Resolution Fellowship Award kaasoo la siiyo dhalinyarada caalamka ee muujisa tayo hogaamineed oo wax ku ool ah isla markaana horseed ka noqon kara isbedel laga gaaro horumarka dunida.
Xuseen oo ahaa ninka qura ee Somaaliga ah ee ka qeyb galey kala fadhigani guud ee caalamiga ah ayaa waxa uu soo jiitey madax sare oo caalami ah oo iskugu jirta danjirayaal, safiiro iyo wakiilo sare oo ka kala socdey dunida guudkeeda, waxaana Xuseen fursad loo siiyey inuu ka hadlo dadaalka ay Soomaliya ugu jirto gaarista Himilooyinka Horumarinta Qarninga (Millenium Development Goals) iyo welibga guulaha hay’adda ay IOM ka gaartey mashaariicda lagu horumarinayo dhalinyarada kuwaasoo ay kamid yihiin mashaariicda loogaga wacyi gelinayo dhalinyarada inay kaga hortagaan fayraska yareeya difaaca jirka ee HIV/AIDS iyo kuwa lagu yaraynayo khataraha dhalinyarada Somaaliyeed soo waajaha. Marka laga soo gudbo abaal gudkani uu ka guddoomey, waxa kale Xuseen lagu casuumey inuu ka qeyb galo golaha dhalinyarada bariga Afrika oo ka dhici doona dhawaan magaalada Kigali, Rwanda iyo weliba shir weynaha caalamiga ah ee dhalinyarada dunida oo ka dhici doona Wadanka Costa Rica dhamaadka sanadkani.
Hussein Hassan Profile Image 2
Xogta IOM

_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved