Banaanbax looga soo horjeedo siyaasadda Madaxweynaha Soomaaliya ee Jubbooyinka oo London ka dhacay (Sawiro)

Tuesday 5 February 20130 comments



Dadweyne Soomaliyeed ayaa habeenimadi xalay [Isiniin] dibadbax ballaaran ka hor sameeyey, machadka daraasaadka iyo cilmi baarista dalka Britain ee lagu magacaabo Chatham House, halkaas oo uu khudbad ka jeedinayey madaxweynaha Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Boqolaalo qof ayaa ka qayb galay mudaharaadka oo isugu jira noocyada kala duwan ee bulshada, waxayna ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah madaxweynaha Somalia, iyagoo cabirayey dareenkooda ku aaddan howlaha uu ku lug leeyahay madaxweynaha inaysan ahayn kuwa munaasib ah.
Dadweynahan oo kasoo jeeday intooda badan gobollada Jubooyinka iyo Puntland ayaa ku dhawaaqayey erayo ay kamid yihiin madaxweyne aan federaal ogoleyn madaxtinimadiisa sharciyad maahan, federaal hadaad diiday anagana waan ku diidnay iyo erayo badan oo caynkan oo kale ah.
Xasan Sheekh Maxamuud maalinimadii shalay uma ahayn maalin sahlan waxaa kaloo halka uu ka khud-badaynayey ee Chatham House laga weydiiyey su,aalaha ay qabeen dadkii ku kacsanaa ee albaabka laga soo galo horteeda ka qeylinayey.
Su,aal ahayd bal sida madaxweynuhu uu u arko dadka ku mudaharaadaya iyo sababta uu hagardaamada ugu hayo maamul u samaynta gobollada Jubooyinka ayuu madaxweynuhu ka jawaabay isagoo u dhigay hadalkiisa qaab sahlan. Madaxweynaha ayaa kaga jawaabay su,aashaas in uu ku faraxsan yahay dadka ku mudaharaadaya uuna jeclaan lahaa inuu la kulmo maadaama aysan isaga is aqoon oo laga yaabo inaysan war badan heyn ama qaab khaldan wax loogu sheegay, laakiin uusan marnaba horay u oran in Hiiraan iyo Baay ay maamul samaysan karaan, kismaayana dowladdu u samayn doonto maamul, hadalkaas oo uu madaxweynuhu beeniyey inuu sidaas ka sheegay mar uu booqday Beledweyne.
Xasan Sheekh wuxuu intaas ku daray in hadii Barnaamijkiisa dadka qaarkiis ay la qabin uu jecel yahay inuu kala doodo, wuxuuse mar kale ku celiyey madaxweynuhu hadal uu maalmahan dambe shaacinayey oo ahaa in laba qabiil aysan isku biiri karin laakiin laba gobol ay midoobi karaan oo maamul yagleelan karaan.
Gudoomiyaha abaabulka iyo qaban-qaabada mudaharaadka lagaga soo horjeeday madaxweynaha oo lagu magacaabo Maxamed Shiike ayaa Horseed Media u sheegay in dad faro badan ay mudaraadka kasoo qayb galeen waliba iyadoo maalin shaqo ay ahayd, laakiin wuxuu wax lagu farxo ku sheegay in qoraal ay ku dhan tahay cabashadooda u gubiyeen wasaarada arrimaha dibada Britain iyo waliba xafiiska looga arrimiyo dalkan oo lagu magacaabo number 10 downing street.















______________________________________________________________

Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved