Guddoomyihii Gaalkacyo oo xilkii laga qaadey mid cusubna loo magacaabey

Tuesday 5 February 20130 comments


Col.Axmed Cabdi-salaad Duqa cusub ee la magacaabey


War goor dhaweyd naga soo gaaray magaalada gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in xilkii laga qaadey Korneyl Siciid Cabdi Faarax, Waxaana isla wareegtada ka soo baxdey Madaxtooyada Garowe lagu magacaabey Col.Axmed Cali Salaad oo horey u ahaan jirey Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
Magaalada Gaalkacyo waxaa goleheedi deegaan wareegto ku kala direy madaxweynaha Puntland, waaana magaalada keliya ee ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee aan lahayn gole deegaan oo wareegto lagu magacaabo guddoomiyaha degmada.
Korneyl Siciid Cabdi Faarax ayaa xilka hayey muddo hal sano ah oo keliya.
Hablaha Media Network 
Gaalkacyo, Puntland, Somaliya


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved