Qarax ka dhacay Gaarisa oo hal qof ku dhintay

Sunday 17 February 20130 comments




Habeenimadii Sabtida oo ay Axada soo galeysay ayaa waxaa qarax xoogleh ka dhacay bartamaha magaalada Gaaris ee gobalka Waqooyi Bari dalka Kenya.



Garaxan ayaa ka dhacay Barxada weyn ee Iskuulka Hoose dhexe ee magaalada Gaarisa halkaasi oo lagu waday in maalmahan lagu qabto isu soo baxday ololaha doorashooyinka dalkaasi Kenya ka dhici doona bisha soo socota.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ku dhintay hal qof oo la rumeysan yahay inuu ahaa qofkii rabay in uu goobtaasi ku aaso bambaano lasoo farsameeyey, qaraxan ayaa xalay laga maqlay guud ahaan magaalada Gaarisa.

Booliiska magaalada Gaarisa ayaa sheegay in meel 10km u jirta laga maqlay dhawaaqa qaraxan xoogleh, waxayna xaqiijiyeen inay goobta ugu tageen jirka qof go’a go’ay iyo waliba laba bistooladood oo la sheegay inuu watay qofkaasi ku dhintay qaraxan.


Mid kamid ah bistooladahan ayaa la sheegay inuu lahaan jiray askari CID-da kamid ah oo ku dhintay weerar ay la beegsadeen kooxaha lala xariirinayo inay kamid yihiin Al Shabaab iyo Al Qaida.

Guddoomiyaha magaalada Gaarisa Maalim Maxamed ayaa saxaafadda u sheegay in hada la joojiyey dhamaan ololaha doorashada ee ka dhacay magaaladaasi wixii ka danbeeya 6da habeenimo.

Maanta oo Axad ah ayaa lagu waday in goobta uu qaraxa ka dhacay ay taageerayaasheeda kula hadasho hogaamiyaha xisbiga NARC ahna musharaxa Madaxweynaha haweenayda lagu magacaabo Martha Karu.

Martha Karu ayaa xiligan socod ku mareysa gobalka Waqooyi Bari oo ay Soomaalida u badan yihiin, waxayna shalay oo Sabti ah booqasho ku tagtay magaalada Wajeer ee waqooyiga dalkaasi Kenya.

______________________________________________________________

Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved