Culimada Puntland waa in ay is-ilaaliyaan hadii Dowlada illaalin weyday!

Sunday 17 February 20130 comments




Ma mudan tahay in Waxgaradka iyo Culumaa'udiinka bartilmaameedka noqday ay illaalo khaas ah u saarto Dowlada Puntland?

Madaxweyne Faroole oo ku sugan gudaha Madaxtooyada Garowe Dilkii Allaha u Naxariisto Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax iyo waliba dilkii Shiikh Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo ay wehliyaan in ka badan 100 qof oo isugu jira issimo,Xildhibaano, Ganacsato, waxgarad, Saraakiil iyo mas’uuliyiintii lagu dilay sanadihii lasoo dhaafay deegaanada Puntland waxay muujineysaa in dowladu si aad ah uga gaabisay hawsheedii ahayd sugida amaanka dalka guud ahaan iyo gaar ahaan dadka bartilmaameedka ay ka dhigtaan kooxaha falalka argagaxiso ka wada gudaha dalka Soomaaliya.

Waa hubaal qof wakhtigiisa galay inaan la badbaadin karin, balse habacsanaanta dhanka amniga ee ka muuqata gaar ahaan Puntland waa mid aan indha laga qarsan karin.

Waxaa xusid mudan in Culimadii la dilay oo ay ku jiraan Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax iyo Dr.Axmed Xaaji Cabdiraxmaan horey loo ogaa hanjabaayo uga imaanayey dhanka kooxda Al Shabaab iyo taageerayaashooda, kahor intaan labadooduba la dilin.

Dowlada Puntland ayaa xiligan u baahan inay su’aalo muhiim ah ka jawaabto oo ku aadan sababta amniga guud heerkan u marayo xili dowlada ay xoolihii dalka iyo waliba awoodeedii kusoo koobtay illaalinta siyaasiyiinta iyo Mas’uuliyiinta xilalka kala gedisan ka haya dowlada.

Hab dhaqanka ah in Agaasimayaasha, Wasiir kuxigeenada iyo Wasiirada ay wataan askar qaarkoodana ku gaashaaman yihiin gaadiidka dagaalka waxay muujineysaa kalsooni darada ay madaxda dowlada lafteedu ku qabto amniga deegaanka ka jira.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved