Qaababka Loosoo Jiido Gabdhaha waqtiga Barashada iyo Shukaansiga

Friday 15 February 20130 comments







Inta badan Gabdhuhu waa kuwa kala dabeecad duwan kala dhaqan duwan kalana aragti duwan wayna kala fududahay inaad Gabadh-ba si usoo jiidataa , Hadaba Shabakada Ka Hadasha Arimaha Bulshada www.hablaha.com  ayaa ku siineeysa qodobadaan.

Waxaa lama huraan ah wiilka ay ka go’antahay soo jiidashada qofka ay markaasi barashada wadaaga yihiin, Waxay habluhu jecel yihiin Ragga inta badan naftooda ku kalsoon jecel oo iska war haaya.

Labiska : Labiska oo hadba aad muuqaal cusub aad kusoo labisato waxay ka qeyb qaadataa inay gabadhu sahal kugu soo raacdo , waxaayse habluhu aad ujecelyihiin wiilka is taag taaga oo is qiimeeya Ma’aha kan shoowiistaha ah.

Kaftan Badane : Gabdhuhu way ka helaan ragga marka ay barasha wadaaga yihiin aad u kaftama u qosla oo u dhoola cadeeya , waxay saameen ku yeelataa marka ay gurigeeda tagto Shan mar oo kamid ah waqtigeeda nasiinada waxay ku fakaraysaa ineey xariir kula yeelato hana ku dag dagin inaad adigu ka dalbatid xariir.

Daganaan : Inta badan Daganaanta iyo Edebtu waa waxa la isku xusho rag iyo dumar balse Haweenku aadbeey ujecelyihiin Ragga dagan oo aan dhac dhaca badneen taasina waxay kaa saacideysaa inaad sahal qalbigeeda ku kasbato iyagoo qodobkaasi ka duulaameysaa.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved