NUSOJ oo Muqdisho ku qabtay kulan wada-tashi ah oo looga arrinsanayay sharciga Saxaafada

Tuesday 19 February 20130 comments





Kulan balaaran oo looga arrinsanayay Sharciga Saxaafada ayaa Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed uu ku qabtay magaalada Muqdisho. Kulankaas oo uu soo qabanqaabiyey Ururka Qaran ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed, isla markaana ay martigelisay Xarunta Dallada hay’adaha aan dowlliga ahayn ee SOSCENSA ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiinta Idaacadaha, Telefishinada, wakaaladaha Dibada iyo Wargeysyada iyo xeeldheerayaal dhinaca saxaafada ah.

Kulankan wadatashiga ah ayaa daba socda kulan dhowaan Wasaarada Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka ku qabatay 10 Febraayo Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, taasoo wasaarada gacanta u gelisay bahda warbaahinta iyo suxufiyiintaba Sharcigii saxaafada, kaasoo ujeedkiisu ahaa in laga talo galiyo bahda saxaafada sidii fikirkooda iyo aragtidooda ugu biirin lahaayeen.

Xubhihii halkaa ka haldey qaarkood waxaa ka mid ahaa Aga asiaha Idaacada Dalsan Xasan Cali Geeseey oo sheegey in Qododbada qaar loo baahanay in si wanaagsan la isaga hubiya gaar ahaan kuwa la xiriira dhinaca amaanka, waxaa kale uu sheegey in loo baahan yahay in xeerkaan uu noqdo mid Damaanad qaadaya in Saxaafada si xor ah u shaqeystaan.












______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved