Daawo Sawirrada aroos wadareedkii ugu weynaa oo taariikhda dhaw dhaca oo kumanaan leesugu guuriyay.

Tuesday 19 February 20130 comments


Kaniisada lagu magacaabo Unification Church ee dalka Kuuruiyada koofureed ayaa waxa ay qabatay xaflada arooseed si wadar ah leesgu guurinayo 3,500 oo lamaane oo ka kala yimid 70 dal uu dunada kamid ah.


Xaflada oo Axadii dhacday ayaaa waxa ay aheyd tii ugu horeysay ee nuuceeda ah ee Kaniisadu qabato tan iyo geeridii aasaasihii Kaniisada Reverend Sun Myung Moon oo sanad kahor dhintay.

Waxaa xaadir ku ahaa halka xafladu ka dheceysay ilaa 20,000 saraakiil kaniisadeed ah waxaana lasheegay in ay si live ah ugala socdeen aaldaha livestream-ka sheekada 8,500 oo lamaane kuwaas oo xaflada lagu xasiimay.

Unification Church ayaa waxa ay sheegataa in ay xubna malaayiin ah kuleedahy dunida daafaheeda kala duwan

Xaaskii uu ka geeriyooday aasaasihii Kaniisadaan oo lagu macgabaabo Hak Ja Han,ayaa iyadu waxa ay u hanbaleyneysay lamaanayaasha is guursanaya.







_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved