Ninyahoow Ogoow Haweeneyda Shumiska Hore Waa Ay Layaabtaa, Kan Labaad Waa Ay La Bururtaa Kan Seddaxaadna Waa Ayba....( Qormo Xiiso Badan)

Thursday 21 February 20130 comments



Shumis-ka ahmiyad weyn ayuu u leeyahay nolosha Romantica labada lamaane , waxa ayna haweenka ula dhigan tahay neefta la qaato , iyadoo macaanka Shumis-ka oo yaraado waxa ay noloshaas u baahan tahay dib u cusbooneysiin.


Shumiska ayaa ah Thermometer-ka lagu cabiro xaraarada nolosha labada qoys iyadoo ay kulushahay nolosha waa ay sii macaanaata hadii ay qaboow noqotana ogaada nolosha guriga qaboow ayaa soo galay .



Waxaa xusid mudan in haweenka ay ciyaarta sariirta ka jecel yihiin shumiska badan iyo xabad gilinta waxa ayna u tahay marqaati cad ,ogaaw ninyahoow jaceylka dhanka haweenka waxa uu u yahay dab holcaya waxaase damiya dabeeysha shumiska la isi shumiyo .



Maah-maah faransiis ah ayaa oraneysa shumis-ka ayaa ah wadada kaliya ee afka haweeneyda looga joojin karo hadalka badan .




Shumiska ayaa ah buundada isku xerta labada qalbi ee lamaanayaasha waloow shumiska uu yahay mid kulul dhanka dareenka  oo ay dheer tahay waxa ay sii xoojineysa xariirka iyo rabitaanka ah in la isla joogo .



Shumiska ayaa ah farsmo nin waliba aqoon , ogaaw haweenka Shumiska farxad ayay ka qaadaan , xasuusnoow haweeneyda shumiska hore waa ay la yaabtaa , midda labaad waa ay la bururtaa , tan sedexaad maba sugi karto.



Rag badan ayaa lamaanayaashooda gaarsiin macaanka ciyaarta kuu-kuun laminaaga iyaga oo kaliya u haysta raaxada isku soo bood iyo kala bood , ogoow haweenka ciyaarta ka dib wax ay aad u jecel yihiin shumis iyo qoor gilin waxa ayna ka sii qaadaan raaxadii hore mid ka macaan maxaa yeelay haweenka qaarkood shumiska ayayba u gaaraan gariirka galmada.



______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved