Galmada Xalaasha Ah Ee Lamaanayaasha Waxa Ay U Wanaagsantahay Wel Welka Iyo......

Thursday 21 February 20130 comments



Baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in galmada ugu fiican dhanka caafimaad ahaanta ay tahay midda todobaadkii labada jeer la sameeyo .

Galmada habka wanaagsan u dhacda ayaa xitaa u u wanaagsan habka wax urinta iyadoo jirka uu soo daayo galmada ka dib hormone la yiraahdo Prolactin kaasi oo ka shaqeeya hormarinta shaqada unugyada neerfaha ee maskaxda gaar ahaan unuga qaabislan dhanka wax urinta

Sidoo kale galmada ayaa yareysa oo hoos u dhigeysa in qofka uu kudhaco xanuunada wadnaha %67

Waxa ay sidoo kale u fiican tahay jirka iyadoo halkii weerarka sariirta uu jirka gubo 200 oo tamar waxa ayna taasi la mid tahay halkii galmo in ay u dhiganto adiga oo sameeyay orad 15-daqiiqo ah

Galmada waxaa kale oo ay u wanaagsan dhanka murqaha iyadoo inta kulanka lagu jiro u jirka soo daayo hormone-ka la yiraahdo testosterone kaasi oo u wanaagsan murqaha oo xoojiya

Sidoo kale wel welka ayay galmada yareyasa , waxaana lamanayaasha lagula talinaya in kulankooda ahaado mid ku dhaca jawi wanaagsan .




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved