Madaxweyne Xasan Sheekh oo Fariin Aad U Culus Udiray Dad Gaar ah oo kusugan Dalka Britain

Wednesday 6 February 20130 comments





Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku guubaabiyay qurbajoogta ku nool dalka Britain, gaar ahaan dadka xirfadaha leh in ay dib ugu soo noqdaan Soomaaliya oo ay ka qeyb qaataan dib-u-dhiska dalka.

Sida uu qoray waregeyska Daily Telegraph madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka doonaya xukuumadda Britain inay ka caawiso dowladdiisa in Soomaalida ku nool dalkaas oo ay ku jiraan dhaqaatiirta, cayaartoyda iyo booliska ay wadankooda ku soo laabtaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jirto fursad ay mar kale Soomaaliya ku heleyso dowlad shaqeysa oo rasmi ah kaddib 22 sano oo burbur ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dadka loo baahan yahay uu ka mid yahay oradyahanka billadaha dahabka ah u qaaday dalka Britain ee Mo Faarax oo uu sheegay in uu door weyn ka qaadan karo dib u heshiisiinta iyo dib-u-dhiska dalka, isla markaana uu dhallinyarada Soomaaliyeed bari karo xirfaddiisa.

Afhayeenka u hadlay Mo Faarax ayaa sheegay in uu goor hore billaabay in uu ka qeyb qaato soo kabashada Soomaaliya, isagoo aas-aasay hay’adda Mo Faarax Foundation, oo gudaha Soomaaliya ka dhistay iskuullo iyo xarumo caafimaad.




_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved