Dal aan laga aqoon ku dhaqanka iyo isticmaalka qabyaaladda iyo dalkaasi oo ka badbaaday dhibaatooyin+Warbiixn++(Vedio)

Wednesday 6 February 20130 comments

Dalka Tanzaniya ayaa waxaa la sheegay inaan laga aqoon ku dhaqanka iyo isticmaalka qabiilka arintaas oo keentay inuu dalkaas ka badbaado dhibaatooyin badan oo ka jira wadamada Afrika sida dalka Soomaaliya. 

Dadka u dhashay dalkaas Tanzaniya ayaa waxaa la sheegay inay aqoon wax qabiil ah iyo kala sooc iyadoona dadkaas lagu soo ababiyey ilaa iyo yaraantooda inuu qabiilku yahay wax dal iyo dadba dib u dhigi kara islamarkaana ay ka fogaadaan arintaas oo keentay inuu dalkaas dadkiisu ay noqdaan dad is jecel islamarkaana ka fog qabiilka iyo kan ayaa ah reer hebel, Madaxweynihii hore ee dalkaas Julius Nyerere ayaa sidoo kale waxaa uu dadkiisu kula dar daarmi jirin inaan la isku nacin qabiil islamarkaana aan qof lagu taageerin qabiilkiisa laakiinse lagu taageero oo lagu raaco aqoontiisa iyadoona dhimashadiisii ka dib ay arintaas wali ka jirto dalkaas Tanzaniya oo aan lagag dhaqmin wax qabyaalad ah oo ayna dadkiisu siman yihiin oo ayna is wada jecel yihiin arintaas oo ka badbaadisay dalkaas bur bur iyo dagaal uu u horseedo ku dhaqanka qabyaalada. 

Ugu dambeyntiina iyadoo hab dhaqanka dadka reer Tanzaniya ay tahay mid ay u baahan yihiin inay ku dhaqmaan dadka Soomaaliyeed oo uu qabiil iyo ku dhaqanka qabyaaladu ay gaarsiisay in 20 sanadood ka badan uu bur bur iyo dagaal sokeeya uu baabi'iyey dalka Soomaaliya islamarkaana aysan jirin cid wax faa'iido ah ama guul ku gaartey qabyaaladaas oo ay keentay dib u dhac iyo in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay ku sifoobaan magac xumo meel kasta oo ay aduunka ka joogaan ayaan la ogeyn in dadka Soomaaliyeed oo madax adayg uu ilaahay ku ibtileeyey inuu dhaqankoodu isbadali doono oo ay ku dayan doonaan dadkaas deriskooda ah ee reer Tanzaniya si ay uga gudbaan dhibka weyn ee uu u keenay ku dhaqanka qabiilka oo sida muuqata aan lahayn wax faa'iido ah aduun iyo aakhiraba. 




Daawo Muuqaal ahaan Dalkaan OO kamid ah Dalalka Afrika




______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved