Madaxweynaha Soomaaliya oo shirka dalalka Islaamka kaga qaybgalaya dalka Masar ++(Sawiro)

Wednesday 6 February 20130 comments




Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa ka soo degay gegida dayuuradaha ee Qaahira si ay uga qeyb-galaan shirka Ururka Islaamka (OIC) kasoo ay kasoo qeyb galayaan 59 dowladdood.
Raysal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Aadan,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal, La taliyaha Madaxeynaha ee xagga Amniga Qaranka Mudane Cabdiraxman Sh. Ciise iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Kamaal Dahir Xassan Guutaale ayaa Madaxweynaha kala qeyb galayo Shirka OIC .
Shirkaan ayaa waxaa xoogga lagu saari doonaa dhibaatooyinka ka taagan dalalka Islaamka. Waxaana si gooni ah looga hadli doonaa dhibaatooyinka ka taagan dalalka Soomaaliya, Mali, Sudan iyo Suuriya.
madaxweynaha ayaa safar ku soo kala bixiyey Xarunta dalalka Midowga Yurub ee Brussels, halkaas oo uu ku sugnaa saddex maalmood, kadib waxa uu booqasho ku tegay dalka Ingriiska taas oo qaadatey 5 maalmood, waxaana uu kulmo kala geddisan la qaatey Madaxda Britaan, iyaga oo ka wada hadley xiriirka labada dal iyo shirka Soomaaliya arimeheeda looga hadlaayo 7 May 2013 oo ka dhacay Britain.








______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved