Mudaaharaad looga soo horjeedo barnaamijka xukuumadda Puntland waddo ee Xisbiyada oo ka dhacay magaalada Bosaso

Wednesday 6 February 20130 comments



Waxaa maanta ka dhacay magaalada Bosaso Mudaaharaad ballaaran oo ay ka qaybgaleen boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Bosaso, Mudaaharaadka ayaa yimid kadib markii mid kamid ah Xisbiyada Puntland looga dhawaaqey uu ka bilaabey meel ku dhaw isbitaalka Puntland diiwaan gelin, Dhalinyaro diidan barnaamijka dowladda Puntland waddo iyo muddo kororsiga ay samaysey ayaa hal mar isugu soo baxay dariiqyada xaafadda Laanta Hawada kuwaas oo socod ku tegey ilaa iyo waddada laamiga ah, waxaana ay ku dhawaaqayeen erayo ka dhan ah barnaamijka xukuumaddu waddo oo axsaabta iyo muddo kororsiga, waxaana ka mid ahaa halkudhigyada ay wateen Xisbi maqaar saar ah dooni mayno, xili kororsi doonei meyno, xoolaha shacabka oo xisbiyo loo isticmaalo dooni mayno iyo erayo kale.
Maamulka oo u muuqdey mid la socdey in banaanbaxu dhacayo ayaa subaxnimadii hore ee saaka soo dhoobey dariiqyada magaalada Ciidamo ku gaashaaman gawaarida dagaalada, waxaana lagu arkaayey inta badan waddooyinka loo yaqaano luuq-luuqa ee xaafadaha dhexmara.
Waxaa hakad ku yimid ganacsiga oo meelo badan oo ka mid ah albaabada loo laabey kadib markii dadku ka aragagaxeen ciidamada jidadka la soo dhoobey.
War Hablaha Media Network ka heshey saldhiga  dhexe ee magaalada Bosaso ayaa halkaas lagu xirey 16 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay banaanbaxa ka qaybqaateen isla amrkaana fikirkooda muujiyeen.
Sidoo kale magaalada Qardho ayaa laga soo sheegayaa in mudaaharaad ka dhacay halkaas kadib markii uu booqdey Maxamed Xassan Barre oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashada kumeelgaarka ah, waxaana dadku ay kala hortageen banaabax iyaga oo ka shakiyey in uu Hormuud u yahay Xisbiyo isku daya halkaas in ay xafiisyo ka furtaan, mudaaharaadkaas ayaa ah mid si nabad ah ku dhacay isla amraakana aysan jirin cid wax ku noqotey.


______________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved