Wasiirka Kowaad ee Soomaaliya oo ku dhawaaqay guddi madax-banaan oo baaritaan ku sameeya xadgudubyada ++(Sawiro)

Tuesday 5 February 20130 comments





Wasiirka Kowaad ee Soomaaliya Cabdi faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sida uu horey u ballan qaadey maanta ku dhawaaqey guddi madax-banaan oo ka talo bixiya tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha iyo dadka nugul, gaar ahaan falalka Kufsiga, iyo dhibaatooyinka loo geysto Warfidiyeenada.
Ku dhawaaqida iyo xafladdii daaha looga rogey guddigan madaxa banaan ayaa ka dhacdey xafiiska Wasiirka Kowaad ee Soomaaliya, waxaana ku sugnaa halkaas xubnaha guddiga oo ka kooban 13 qof waxaana laga soo dhexsaarey qaybaha bulshada sida Garyaqaano, Dadka u dooda xuquuqda Haweenka, Culimada diinta, Saraakiil ka tirsan Booliska iyo dalladaha waxbarashada.


Guddigan ayaa la siiyey muddo 90 maalmood ah oo ay xukuumadda ku soo hordhigi karaan talo iyo qorshe looga hortagi karo tacadiyada loo geysto dadka nugul.
“Kufsiga iyo dilka wariyayashu waa laba arrimood oo ah ku xadgudub xuquuda bani’adamka aad ayeeyna noo xanuujinaysaa arrinkaas ka dowlad ahaan maahan mid aanu u dulqaadanayno inay sii socoto” ayuu yiri  Wasiirka kowaad ee Soomaaliya Saacid oo xusay in xilligan oo ay Soomaaliya sameyneyso horumar dhan kastaba leh, loona baahan yahay in laga hortago falalkan oo dib u dhigaya horumarka.
“Si aan dadaalkeena u sii kordhino waxaan maanta samaynay Gudigan madaxa banaan oo talo naga siin doona arrimaha la xariira kufsiga iyo dilka wariyayaasha, waa guddi laga sugayo inay keenaan xaqiiqda ku salaysan tacadiyada ka dhacay dalka, talo cadna naga siiyaan wixii keenay falalkan soo noqnoqday” ayuu yiri R.wasaare Saacid oo tilmaamay in sababta guddigan loo magacaabay ay tahay welwelka badan ee ay nagu hayso falalkan ka dhanka ah Xaquuqda Bani’aadamka.
Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Guddigan Drs. Maryan Yusuf Sh. Cali, waxayna sheegtay in muddo 15 sano ah ay ku howlanaayeen difaaca Xuquuqda aadanaha iyo horumarinta Haweenka, “Riyadaydu markasta waxay ka turjumaysaa sidii wax loogu qaban lahaa haweenka oo ah dadka ugu jilicsan Bulshada, lafdhabarna u ah” ayay tiri Drs Maryan waxayna intaas ku dartay inay dadaal u gali doonaan sidii ay u raadin lahaayeen xaqiiqda ku salaysan cida ka danbaysa kufsiga dumarka iyo dilka wariyayaasha. lagana soo diyaariyo warbixin si loogu gudbiyo laamaha sharciga si tilaabo looga qaado.
Ku dhawaaqidda guddigan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo maanta Luul Cali Cismaan iyo weriye Cabdicasiis Koronto lagu xukumey midkiiba hal sano oo xabsi ah kadib markii sida Xaakimka makxmadda gobolka Banaadir Axmed Adam sheegay lagu heley denbi ah been abuur iyo sharaf-dhac ay u geysteen ciidanka Booliska, Maxkmaddan ayaa soo jidiatey indhaha caalamka gaar ahaan ururada iyo hay’adaha xuquuqda, waxaana ay hareysey Safarkii Madaxweynuhu ku joogey dalalka Midowga Yurub, su’aalaha la weydiinayey Madaxweynaha ayaa u badnaa xabsiga gabadh sheegtey in la kufsadey iyo weriye waraystey waxaana uu ku dooday ma fara gashan karno dacwad socda ee halaga war sugo caddaladda Soomaaliya.
Durba saxaafadda caalamka ayaa cinwaano kala geddisan u istcimaashey xariga lagu xukumey gabadha sheeganaysa in ay tahay dhibane, iyo weriyaha waraystey, waxaana muuqata in dowladdu aaney fahmin halka Dacwaddan lala aadey iyo heerka ay marayso marka la eego arrimaha Kufsiga iyo galmada cunfiga iyo fara ka hadalka ku dhisan, iyo weriye waraysi keliya qaadey  iyo cidda ku khasaari doonta go’aanka maanta dhacay.







_____________________________________________________________
Nagala Soo Xiriir E-mail-kan
hablahamedia@gmail.com.
Waanu Tixglindoona Wixii Macluumaad Ah Oo Aad Inoo Soo Gudbiso
Sidoo Kale Taladaadu Waa Muhiim Fadlan Inoo Soo Dir Ayadana
F.G. Comments-yada Waa Ka Mamnuuc Caay Iyo Aflagaado , Qabyaaladna Warkeeda Daa.

Post a Comment

 
Copyright © 2011. www.hablaha.com - All Rights Reserved